Ganacsade Ka Qayb Qaado Kor U Qaadida Lacagta Dalkaaga

0
348

Waxa jirtay todobaadyadan aynu soo dhaafnay waxa jirtay olole ay hormood ka tahay xukuumadu oo ay ganacsatada kala duwani ay iyaguna ka yihiin qayb kaas oo la rabo in kor loogu qaado qiimaha lacagta Somaliland.
Ganacsatada ayaa iyagu si aad ah usoo dhaweeyay in la isticmaalo lacagta Somaliland taas oo ay markii hore ay ganacsatadu ay dadka kaga iibin jireen Doolar balse ay hadda talaabadan ay xukuumadu hogaaminayso ay si aad ah u aqbaleen taas oo ay balan qaadeen in ay dadka wax kaga iibin doonaan lacagta Somaliland taas oo kor u qaadaysa qiimaha lacagta Somaliland.
Waxa iyagu hadda bilaabay inay u badalaan lacagyawgii lagu isticmaali jiray adeega mobilka in ay lacagta Somaliland ay ka dhigaan iyaga oo hadda bilaabay system-kii ay nidaamkan ku isticmaali lahaayeen macaamiishu.
Talaabadan ayaa la filayaa inay kor u qaado qiimaha lacagta Somaliland oo markii hore dalkeena aad moodaysay inuu yahay gobol ka mid ah gobolada dalka Maraykanka oo lacagta Doolarku ay ahayd ta ugu dhaq dhaqaaqa badan suuqa wax kala iibsiga balse ay tani tahay talaabo loo baahnaa waayo hadaad eegto dalalka aynu jaarka nahay waxa laga isticmaalaa lacagaha dalkooda oo wax lagu kala iibsadaa.
Waxa ganacsatada la gudboon inay fuliyaan talaabooyinkan.
Ganacsatada dalkeena ayaa iyadu kor u qaadi karta qiimaha lacagta Somaliland. Waxayna tani tahay mid ganacsatada dalka u galidoonta baal dahab ah.
Waxaanay bulshadu dhawraysaa siday ganacsatadu ugu dhiirato hirgalinta talaabooyinkan.
 

Leave a Reply