Labada Gole Oo Fadhi Wada Jir ah Ku Ansixinaya Guddoomiyaha Cusub Ee Maxkamadda Sare

0
387

Hargeysa (Dawan)- Mudaneyaasha labada Golle ee Baarlamaanka Somaliland (Guurtidda iyo Wakiiladda) ayaa maanta cod u qaadaya ogolaanshaha magacaabista Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda Sare Md. Aadan Xaaji Cali oo dhawaan madaxweyne Siilaanyo u magacaabay xilkan, ka dib markii uu xilka ka qaaday Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda sare Md. Yuusuf Ismaaciil Cali.
Qoraal war-gelin ah oo Mudaneyaasha labada gole oo  lagu  booriyay inay ka soo qeyb galaan fadhi wada jir ah oo ay yeelanayaan Goleyaasha Guurtidda iyo Wakiiladda, ayuu shalay soo saaray Ku simaha Xoghayaha Guud ee Wakiiladda Jamaal Jaamac, waxaannu qoraalkaasi oo dhamaystirnaa u qornaa sidan:-
“Sida ku cad Qodobka 38-aad ee dastuurka JSL. Iyadoo la tixgalinaayo codsiga Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ee fadhiga wada jirka ah.
Waxa laysugu yeedhayaa dhammaan mudaneyaasha labada Gole ee JSL (Golaha Guurtida iyo Golaha Wakiilada)  Fadhi aan caadi ahayn oo ah ogolaanshaha  magacaabista Gudoomiyaha maxkamada sare JSL, si aad uga gudataan waajibaadkiina dastuuriga ah.
Waxa la farayaa dhammaan mudaneyaasha Golaha Wakiilada inay ka soo qeyb galaan fadhigaaas oo qabsoomi doona maalinta Arbacada (maanta)  ah ee bishu tahay 03/06/2015, saacaduna ay tahay sagaalka subaxnimo. Waxa mudaneyaasha lagu adkaynayaa inay wakhtiga dhawraan.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply