Madaxweyne Siilaanyo Oo Lagu Soo Dhaweeyay Hargeysa Iyo Natiijadda Socdaalkiisii Afarta Maalmood

0
419

Hargeysa (Dawan ) – Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  ayaa shalay galab ku soo guryo noqday caasimadda Hargeysa, ka dib markii uu muddo afar maalmood ah socdaal shaqo uu ugu maqnaa magaallo xeebeedda Berbera ee xarunta gobolka Saaxil.
 
Madaxweyne Axmed Siilaanyo mudadii uu ku sugnaa magaaladda Berbera waxa uu booqday dadka qaxoontiga ah ee ka soo cararay dagaaladda ka dhacay dalka Yemen, kuwaasi oo uu sheegay inay xukuumadiisu xil weyn iska saarayso xanaanaynta iyo soo dhaweynta qoysaska ka soo baro-kacay wadanka Yemen.
 
Madaxweynaha Somaliland waxa kale oo uu xadhiga ka jaray laab weyn oo casri ah oo xukuumaddu hirgelisay oo lagu soo kordhiyay xarunta haamaha shiidaalka Berbera oo loogu tallo-galay in lagu hubiyo tayadda shiidaalka dalka la keenno.
Waxa kale oo uu Madaxweynuhu booqday dekadda Berbera oo uu ka socdo wejigii labaad ee mashruuc horumarineed oo lagu balaadhinayo marsadda si ay u daboosho  baahida ganacsiga ee mandaqadda Geeska Afrika.
Madaxweynuhu waxa uu mudadii uu ku sugnaa magaaladda Berbera uu kulamo xog waran ah la yeeshay masuuliyiinta gobolka iyo degmadda Berbera.
 
Madaxweynuhu waxa uu magaaladda Berbera ka soo raacay diyaarad, waxaannu ku soo dhaweeyay madaarka Hargeysa masuuliyiin iyo dadweyne tiro badan. Iyadoo madaxweynaha soo dhaweeyeen boqolaal qof oo ka mid ah dadweynaha ku dhaqan caasimadda Hargeysa, kuwaasi oo tubnaa jidka u dhaxeeya  madaarka illaa xarunta Madaxtooyadda.
 
Madaxweynaha waxa socdaalkiisa shaqo ee Gobolka Saaxil ku wehelinayay Marwadda koowaad Marwo Aamina Sh. Maxamed Jirde (Aamina Waris), Wasiirro, xidhibaanno iyo masuuliyiin kale.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply