Xikmadaha: Macalimad Caqli Badan

0
727

Maclimada ayaa weydiisay arday yar oo fasalka fadhiyay “hadii aan ku siiyo midh tuufax, iyo midhka kale oo tufaax iyo mid kale tuufaxa , imisa midh oo tufaaxa ayaad haysataa?
Arday ayaa ku jawaabay afar. Macalimadda ayaa ku celcelisay su’aasha iyadooo u qaadatay in aanu ardaygu maqlayn. Laakiin ardayga ayaa isna mar kasta ku jawaabayay afar.
Macalimadii oo yaaban ayaa haddana weydiisay hadii aan ku siiyo xabad Liin ah, mar kalena aan ku siiyo oo mar kale ku siiyo waa imisa. Ardaygii ayaa si fudud ugu jawaabay waa saddex.  Macalimadda oo faraxsan aya tidhi waa runta. Laakiin maxa u dhexeeya Tuufaaxa iyo liinta ee mid u leedahay afar midna sadex. Ardaygii yar ayaa si fuud ugu jawaabay. Waxaada igu tidhi imisa midh oo tufaaxa ayaad haystad hadii aan ku siiyo saddex mid , waxaan ku idhi afar maxaa yeelay mid aya iigu jira shandada.
Xikmadu waxa weeyi hadii uu qof ku siiyo jawaab aanad filayn ha u qaadan inay khaldan tahay, waxa laga yaaba inay jirto arrin kale oo loo baahan yahay inaad si degan u fahanto.

Leave a Reply