Diyaaradii Tamarta Cadceeda Ku Shaqaynaysay Oo Dulimaad Ku Maraysay Dunida Oo Fadhiisatay Japan

0
383

Diyaarad nooceedu caalamka ku cusub yahay oo aan hore dunnida looga isticmaalin ayaa dhowaan lagu soo bandhigay wadanka Maraykanka iyada oo ku duulaysa tamarta cadceeda,waxaanay diyaaradaasi ku wareegaysaa caalamka oo dhan,iyada oo la sheegay in aanay istaagayn meel qudha,kuna qaadan doonto wareegaasi muddo 48 saacadood ah.
Diyaaradan ayaa xalay fadhiisatay wadanka Japan,waxaanay khubarada diyaaradaasi ku shaqada lihi sheegeen inay sababtay fadhigeeda ,iyada oo cimiladu xumayd ,taasina ay tahay mid keentay in la fadhiisiyo diyaaradaasi ,iyada oo laga cabsaday in ay wax noqoto.
Diyaaradan ayaa fadhiisatay magaalada lagu magcaabo Nagoya ee u dhow badda Pacific Ocean ka ,taas oo ay sababtay cimilada xumi.
Kooxdan diyaarada dulimaadkeeda la socota ayaa sheegtay inay rajaynayaan in diyaaradaasi sii wadato  socdaalkeeda muddo shan cisho ahna ay kusoo wareegto caalamka,iyada oo xarunteeda oo ah Hawaiian jasiiradda la yidhaahdo uu noqon doono meesha ugu dambayn lagu soo noqdo,sidoo kalena la doonaayo in ay duusho masaafo dhan 8000 oo Kilometers.
Diyaaradan ayaa duulimaadkeedii ugu horeeyey kasoo qaaday magaalada Dubai ee dalkaasi Imaaraadka,iyada oo soo duushay 9 March ,ilaa haddana wada dulimaadkaasi,waxaana duuliye ka ah diyaaradaasi nin lagu magcaabo Andre Borchberg ,kaas oo lagu talo galay inay muddo shan bilood ah kusoo wareegto caalamka.
Diyaaradan ayaa dulimaadkeeda ku dul mari doonta wadamada India ,Chine,iyada oo la rajaynaayo inay soo gaadho  marka dambe Maraykanka,iyada oo kasoo kacaysa wadanka Japan,sidoo kalena soo dul maraysa qaaradda Yurub,waxaanay dul mari doonin wadanka Ruushka dushiisa.
Diyaaradan ayaa culayskeedu yahay 2.3 tan,halka uu dhererkeeduna yahay 72 meters,taas oo ku shaqaynaysa falaadhaha cadceeda,sidoo kalena ay ku xidhan yihiin qalabka loo yaqaano Fiber Carbon,waxaanu Injiinkeedu qaadan karayaa 17000 oo Solar Cells ah,waxaanay saacadii jaraysaa 140 Km.

Leave a Reply