Goleyaasha Baarlamaanka Oo Cod Aqlabiyad ah ku Ansixiyay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare

0
421

Hargeysa (DAWAN) – Goleyaasha Baarlamaanka Somaliland  ee Guurtida iyo Wakiilada ayaa fadhi wada jir ah oo ay shalay yeesheen, waxay ku ansixiyeen Guddoomiyaha cusub ee Maxkamadda sare Md. Aan Xaaji Cali Axmed oo uu dhawaan madaxweynaha Somaliland magacaabay.
Fadhigan oo uu Guddoominayay Guddoomiyaha Golaha Guurtidda Md. Saleebaan Maxamuud Aadan, waxa  ka soo xaadiray  122 Xildhibaan oo ka tirsan labada Golle.
Gudoomiyaha Golaha Guurtida ayaa waxa uu xildhibaanadii labada gole ee madasha fadhiga ku sugnaa u sheegay in ay hortaalo arrin distoori ah, taas oo ah ogolaanshaha magacaabista gudoomiyaha maxkamada Sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed. Markii xildhibaanadii fadhiga ku loo akhriyay taariikhda waxbarasho iyo shaqo ee gudoomiyaha maxakamada sare, waxa la gudogalay cod u qaadistiisa.
 
Waxa gudoomiyaha cusub ee maxkammadda sare 110 xildhibaan, cid diiday ma jirin, waxa ka  aamusay 11 xildhibaan, Guddoomiyuhuna  muu codayn. Sidaana waxay xildhibaanada labada gole cod ku meel mariyeen ansixinta Gudoomiyaha cusub maxakamada sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed.
 
Gudoomiyaha cusub ee maxakamada sare garyaqaan Aadan Xaaji Cali ayaa hadal kooban oo uu warbaahinta u jeediyay waxa uu ka dareen celiyay sida uu u arko xilkan cusub ee labada gole u ansixiyeen, waxa uu yidhi “Runtii dareenkaygu wuxuu isugu jiraa laba, mid waan ku faraxsan nahay in labadii aqal ee baarlamaanku kalsooni I siiyeen. Midna runtii waa masuuliyad culus. markay bulshadda dhexdeeda noqoto wax-qabadka yaalla iyo Illaahay hortiisa waa masuuliyad culus.”
Guddoomiyuhu waxa uu u mahad celiyay madaxweyne Axmed Siilaanyo, waxaannu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu mahadinayaa Madaxweynaha Somaliland oo mansabkan ii magacaabay oo ii soo jeediyay iyo labada gole oo iyaguna Kalsoonidoodii igu siiyay inaan bulshada u shaqeeyo, waxaanan rajaynayaa inaan dadka u shaqeeyo oo inta awoodayda ah caddaalad iyo wax-qabad ku dedaalo Insha Allah.”
 
Dhawaan ayay ahayd markii uu madaxweynaha Jamhuuriyadd Somliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) digreeto madaxweyne xilkii kaga qaaday gudoomiyihii hore ee maxakamada sare Dr. Yuusuf Ismaaciil Cali, isla markaana ay labada gole cod ku aqbaqleen xilkaqaadistii uu madaxweynuhu ku sameeyay.
By: Jamaal C/raxmaan Macalin
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply