“Ragii La Soo Xidhay Waanu Soo Daynay, Waxaana Loo Xidhay Is Hortaag Shaqo” Badhasaab Ramaax

0
439

Boorama (Dawan) – Guddoomiyaha gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka hadlay odayaal salaasadii todobaadkan loo xidhay khilaaf ka dhashay hawlo macadan qodis ah oo laga wado buuraha Simoodi ee degmada Baki, waxaanu sheegay in dadkaasi xoriyadooda dib loogu soo celiyay.
Guddoomiye Ramaax oo shalay arrintan warbaahintu wax ka weydiisay waxa kale oo uu sheegay in odayaasha deegaanka ay ka wada hadlayaan sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafkaasi, ka dhashay arrimaha macdan qodista ah ee ka socda buuralayda degmadda Baki.
 
“Markaan arrintaas  idinka waramo, ragii la soo xidhay haddaa ayaannu soo daynay, arrintaa xalkeedii baanu ku jirnaa. Waxa lagu soo xidhay horena waa tii loo sheegay oo Maayarka degmadu uu ka hadlayay waxay ahayd uun arrin ah is hortaag shaqo,” Ayuu yidhi Maxamuud Cali Saleebaan.
Guddoomiyaha gobolka Awdal  waxa uu intaas ku daray “Hase yeeshee kollay qaabka loo buun-buuninayo may ahayn, hawshaana odayaashiina waanu iska aragnay in aanu dhamaystirno ayaanu ku dedaalaynaa Haddii ALLE yidhaahdo.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply