Madaarka magaalada Goma ee dalka Kongo ayaa wakhktigan noqday goob laga haajiray oo ay caruurtu ku ciyaarto. Ka dib laba sanadood oo dagaal sokeeye ka socday oo ay burbureen dhamaan xarumihii adgeeyada bulshada. Sida madaarada. Sawir qaade Christopher Brown ayaa sawir ka soo qaaday madaarka Gooma. Sawirka ayaa muujiyana sida ay caruurtu ugu ciyaarayso Dayuurado ku burburay madaarka oo wakhtigii dagaalku bilowday shaqaynayay, kuwaasi oo madaarka aad uga buuxa una badan kuwii xamuulka ee casriga ah. Dayuuradahan iyagoo shaqyanay ayay hawshoodu istaagtay sanadkii 2012 ka dib dagaalkii sokeeye. Ma jirto ilaa imika cid ilaalisa sidaas darteeda caruurta ayaa iskaga ciyaarta.