Markabkii ku Degay Shiinaha oo wali laga qabo Rajo

0
387

Waxaa jirta rajo laga qabo in la soo helo dad kale oo nool oo ku hoos jira markabka ku dagay wabiga Yangtze.
Markabkaasi oo lagu magacaabo Eastern Star, waxaa saarnaa 456 qof oo u badan dad waawayn oo cimri ku jira, dabaylo xun oo dhacayay ayaa gadiyay habeenimadii isniinta.
Sideed iyo toban qof ayaa ilaa iyo hadda la xaqiijiyay in ay geeriyoodeen sida ay baahisay saxaafadda xukuumaddu, afar iyo toban kale ayaana la soo badbaadiyay qaarkood ayaa markabka gudihiisa ku xanibnaa.
Saraakiishu waxa ay sheegayaan in ay sii wadayaan raadinta dad nool, laakiin waxaa laga yaabaa in ay noqoto masiibadii ugu darnayn ee ka dhacda Shiinaha mudo dheer.
Wasiirka gaadiidka ee dalka Shiinaha Yang Chuantang, ayaa sheegay arbacadii in  ay dadaalka sii wadayaan inta ay jirto rajo yar xataa, isla markaasna aysan niyad jabaynin.
Laakiin waxa uu sheegay in wakhtigu uu hayo samatobixiyeyaasha.
 

Leave a Reply