Australia oo lagu Arkay Kalluun Halis ah

0
420

Saynisyahano iyo dadka deegaanka oo jooga waqooyiga Australia ayaa iskudayaya in ay ka hortagaan oo aanu faafin noole halis ah oo ay ku sheegeen kalluun  soconaya.
Waxay sheegeen in malaygaasi uu maalmo ku noolaan karo dhul qalalan oo aan biyo lahayn.
Kalluunkaan oo garbaha uu ku dabaasho ku soconkara kuna boodi kara ayaa ah mid dilaa ah waxaana laga helaa koonfur-bari Aasiya.
Malaaygan waxa uu dhibaatayn karaa xataa shimbiraha badda iyo kuwo kale.
Kalluunkaa waxaa lagu arkay labo jaziiradood oo ku yaala Australia.
Saynisyahanadu waxa ay ka digayaan in haddii uu ku fido dhulka in uu sababi karo halis deegaan oo balaadhan.
 

Leave a Reply