Somaliland Oo Ka Qayb-gelaysa Shirka Dhaqaallaha Adduunka Oo Lagu Qabanayo Koonfur Afrika

0
367

Hargeisa (Dawan): Dawladda Somaliland ayaa   ka qayb gelaysa  Shirka 25-aad ee Dhaqaalaha Adduunka (25th World Economic Forum) oo maanta ka furmaya magaaladda Cape Town  ee dalka koonfurta Afrika, kaasi oo lagu soo casuumay.
 
Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ee Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, ayaana  shirkaasi  u metelaya Somaliland oo lagu marti qaaday shirkaasi, sida lagu sheegay war   xalay ka soo baxay wasaaradda khaarejiga ee Somaliland.
 
 
 
Shirkan ayaa lagu tilmaamay inuu yahay shirkii ugu weynaa ee noociisa ah ee lagu qabto gobolka,  waxaana ka soo qaybgalaya inka badan 90 wasiirro ah, masuuliyiin  sarsare iyo hoggaamiyeyaal kala duwan, iyo shirkado ganacsi oo gaadhaya ilaa  83  waaweyn oo caalami ah iyo dhinacyo kale oo guud ahaan ku metelaya 75 wadan.
 
 
Shirkan ayaa   halku dheggiisa loo qaatay sanadkani  “Horraysiyo Dambaysaba: Malee Mustaqbalka Afrika” (Then and Now: Imagining Africa’s Future) waxaana la sheegay in lagaga hadli doono  halka   gaadhay qaaradda Afrika  dhaqaale ahaan, bulsho ahaan iyo siyaasad ahaanba. Marka laga soo bilaabo  intii ka dambaysay 1990-kii iyo sidoo kale iyadoo la kaashanayo waayo  aragnimada, hal-abuurnimada iyo khayraadka daneeyayaasha oo kala duwan sida wajahi karo horumar buuxa, lagana gudbi karo caqabadaha jira.
 
 
Sidoo kale Shirkan ayaa aad diirada u saaraya horumarinta ganacsiga iyo hannaanka iskaashiga, isku xidhka  xagga dhaqaalaha ee qaaradda Afrika.
 
Waxaana  ka mid ah qodobada lagu lafa guri doono sidii wax looga qaban lahaa arrimaha tahriibka iyo la dagaalanka argagixisada oo saamayn ku leh dhaqaalaha Afrika.
 
 
Ka qaybgalka shirkan iyo guud ahaan safarada shaqo ee Wasiirka Arrimaha Dibaddu ku gudo jiro todobaadadii u dambeeyay ayaa qayb ka ah dedaalka xoogan ee xukuumadda Somaliland ugu jirto xoojinta iyo kor u qaadida siyaasadda arrimaha dibadda dalka Somaliland ee kasbashada xidhiidhka iyo iskaashiga wadamada iyo jilayaasha dunida, horumarinta qadiyadda madaxbannaanida JSL iyo ictiraaf raadinta, soo jiidashada maalgashiga iyo taageerada caalamka ee dhinacyada kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha iyo ganacsiga, arrimaha bulshada, nabadgelyada iwm.
 
Dhinaca kale  wasiirka Arrimaha Dibadda  Maxamed Biixi Yoonis oo  shalay (doraad)  gelinkii dambe gaadhay magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika. Wasiirka oo weftigiisa ay ku weheliso La-taliyaha Khaaaska ah ee Wasiirka  Nimco Cilmi ayaa waxa si diirran ugu soo dhaweeyay Gagada Diyaaradaha Magaalada Cape Town xubno ka mid ah Guddoomiyaha  Jaalliyadda Somaliland ee Koonfur Afrika Mudane Kayse Mursal Maxamed iyo xubno kale oo ka mid ah gudida iyo Jaalliyadda Somaliland  bulshadooda Cape Town.
Salaan iyo hadallo soo dhawayn ah kadib waxa loo sii galbiyay Weftiga Wasiirka Hudheelka ay ka degeen magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika (South Africa).
Gudida Jaalliyadda Somaliland ee dalka Koonfur Afrika  ayaa sheegay inay aad ugu faraxsanyihiin inay wefti heerkan  ah oo ka socda dalkooda ku soo dhaweeyaan Cape Town, marwalbana ay dhaqan iyo caado u tahay inay si niyadsami usoo dhaweeyaan wufuudda dalkooda ka socota.
Dawannews Hargeysa offices

Leave a Reply