Xukuumadda oo ka Hadashay Isbedalka Ku Yimi Cimiladda Adduunka Iyo Saamaynta uu Ku Yeelan karo Somaliland

0
398

Hargeysa (Dawan)- Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay isbedalka ku yimi cimilada adduunka iyo saamaynta  ay ku yeelan karto Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka iyo Horumarinta Reer Miyiga Somaliland S Marwo hugri  Xaaji Ismaaciil Baandare oo shalay la hadashay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa ay sheegtay in isbedalka ku yimi wakhtiyadii ay roobab ka di’i  jireen dalka ay tahay gumaadka lagu hayo dhirta qoyan ee loo isticmaalo dhuxusha waxaanay tilmaantay in caalamku u soo jeedsatay badbaadinta deegaanka Somaliland doorkeeda ka qaadanayso sidii wax looga qaban lahaa dhirta la dabar-goynayo.

“Deegaanka badbaadintiisa caalamku wuu u soo jeesta, y qaarad walibana si bay wax uga qabanaysaa,  Somaliland dawladaha ku mashquulsan badbaadinta deegaanka ayay ka mid tahay waxaannu  ku mashquulsan nahay ka wasaarad ahaan sidii dadku u fahmi lahaayeen cimilada isbedalaysa maxay tahay waxaan  ku garanaynaa in cimiladu isbedashay roobabkii  oo aan di’in xiligii ay di’i jireen.Waxaanay  ku xidhan tahay cimiladu dhirta haddii aynaan badbaadin dhirta wax ALLA  wax innoo suuro-galayaa ma jiro,”ayay tidhi Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil.

 

Wasiirka deegaanku waxay u soo jeedisay dadka dhirta shida ee ku shaqaysta dhuxulaysiga  inay joojiyaan waxaanay tidhi “Waa in dadku isku dayaan inay ka guuraan dhuxusha oo aan la odhan xagee shaqo looga helayaa inankii dhuxusha soo shidayay?  taasi maaha mid taagan gaajana u bakhtiyi maayo oo xoolihii ayuu ka gooyay dhirtii ay ku noolaanayeen. Fariintaydu waxay tahay dhuxusha ha la joojiyo.”

Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply