Faylasuufkii caanka ahaa Aristootal ( 384-322) wuxu isku tuuray badda, markii uu awoodi waayay inuu sharaxo sababta ay mawjadaha baddu isu bedelaan maalin keliya labaatan jeer.
Faylasuufkii Siyunoon ayaa farahiisa mid jaray markii u gaadhay da’da 90 sano.Isagoo dhiigu ka daadanayo ayuu lugihiisa dhulka la dhacayay isagoo ku qaylinaya baydka gabayga ah : Waan imi halkan (dunida), Maxaan halkan u imi ? , ilaa iyo intii ay naftu ka baxaysay.
Aqoonyahankii Romaniga ahaa ee Bergrinos ayaa shiday dab aad u weyn , wuu ku wareegaystay isagoo dabku cod iyo midabo kala duwan bixinaya. Ka dibna wuu isku tuuray oo halkaasi ku dhintay.
Qorayaashii Romaniyiinta ee kala ahaa, Sench, Lucan iyo Petruenos mid kasta wuxu gooyay mid ka mid ah xidida gacmihiisa, oo uu dhiig baxayay isagoo uu daawanayo boqorkii Nero ee daalimka ahaa oo sidaasi ku amray ilaa uu ka dhintay.
Falasuufkii Ingriiska ahaa Fransis Pecon ( 1626-1561) wuxu baadhi jiray xayawaanka ku dhinta barafka, si uu u ogaado ilaa mudada ay xayawaankani nolosha ka sii maqnaa. Waxaana dilay barafkii uu dhex socday.
Gabayaagii Ingriiska Shakespeare iyo qoraagii Spain Cervantes waxay dhinteen isku maalin 22 April 1616.
Qoraagii Maraykanka ahaa Chemis Otson ( 1793-1725) wuxuu tamaniyi jiray inuu samada ku dhinto, waxaana uu odhan jiray waxaan jecelahay in gorgor samada ii qaato oo cidiyihiisa igu dilo. Haddaba isagoo maalin dhex maraya beer ayuu samada kaga soo dhacay Danab waana uu dhintay.
Gabayaagii Giriiga ahaa ee lagu magacaabi jiray Anacrion oo noola qarnigii lixaad Bc. Ayaa isagoo cunaya midhaha canabka ku cabudhay, ka dibna dhintay.