‘Berbera Waxa Ay leedahay Mustaqbal Ifaya oo Dihin’ James Jeffrey

0
302

Hargeysa(Dawan):-James Jeffrey oo ka tirsan . BBCNEWS.COM ayaa ka qoray warbixin  uu kaga faallooday  xaalada Berbera ay ku sugantay waqtigan, sidii  taarriikhiyan  ay beryo ahaan jirtay iyo mustaqbalkeeda oo uu ku tilmaamay mid  ifaya.
 
Warbixintaas oo aan  ka soo turjunay waxa ay u dhignayd sadan:-  ‘Berbera oo ku taal ka soo horjeedka gacanka Cadmeed waxa ay mar ahaan jirtay xudunta marinnada ganacsi  ee u dhexeeya gudaha  Geeska Afrika  iyo Bariga dhexe.
Waa deked ballaadhan oo la jaar ah  Djibouti oo waqtigan heysata horyaalka  ganacsiga gobolka.
Quruxda naqshadaha qadiimka ah ee Berbera  ee burbursani  waxa ay isugu jiraan dhismayaal ka soo jeeda Cusmaaniyiintii  iyo kuwa ay adeegsadeen jireen  bulshooyinkii  ganacsatada ahaa ee jiiraanka sida  Carabta , Hindida, iyo Yuhuuda ee ay mar ku noolaayeen oo haatan si  sibiq ah  u sii baaba’aya.
 
Somaliland  oo ahaan jirtay  British Protectorate  waxa ay xorriyada qaadatay  1960-kii, inkasta oo wax faro ku tiris ahi ka sii muuqdaan raadadkii gumaystaha   ee  Berbera.
 
Dhaqaalaha Somaliland ayaa ku tiirsan dhoofka  xoolaha  ee laga dhoofiyo dekeda Berbera ee casriga ah.
Adhiga iyo Geella ayaa loo diraa  Saudi Arabia halka  70%  waxyaabaha ka soo dega laga iibiyo Itoobiya oo la jaar ah.
“Somaliland waxa ay ahaan jirtey xarun ganacsi oo istaraateji ah ,” sidaa waxa yidhi  Weli Daa’uud  oo ka tirsan wasaarada maaliyada  Somaliland. “Haatan waxa ay dowladdu u raadinaysaa  dekeda maalgashi shisheeye.”
Xeebta Somaliland oo gaadhaysa  850km waxa ay hodan ku tahay kalluun xad dhaafa oo laga samayn karo suuq ballaadhan oo xaami ah.  Haatanse, si ay tahayba  tiro kooban oo kalluumaysato ah oo keliya ayaa ka xoogsada khayraadka badda hodanka ah ee ku weegaarsan. Waxa jira qaar soo jeediya in la adeegsado xeebaha dihin ee  soo jiidanaya dalxiisayaasha.
Haseyeeshee  Georgina Jamieson  oo ka tirsan Haa’yad  addeega tallo-bixineed oo saldhigeedu yahay  UK ayaa waxa ay leedahay  ma jiraan adeeg ku filan oo kaabayaasha dhaqaalaha ahi.  ” Inkasta oo taasi qayb ka tahay bilicda,  waa mid aad u dihin oo aan la taaban. Qaar ayaa leh waa sidii ay ahaan jirtay  beryo oo kale Masar  ka hor intaan  la daah furin dalxiiskeeda.”
 
 
 
 

Leave a Reply