“Guddoomiyaha Wakiilladu Abaalkii Guurtidu u Galeen Muu Marin, Waayo Saddex Jeer Oo Ay Laa-laadiyeen Dadkii …”

0
346

 
Hargeysa (Dawan) – Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida ayaa wareysi uu siiyey Wargeysyadda DAWAN iyo Somalilandtoday waxa uu kaga hadlay  in wakhtiga Guurtidu u kordhisay Xukuumadda uu Komiishanku kaga gaadhsiin karo doorashooyinka.
Xildhibaan Dheeg waxa kale oo uu wareysigaasi ku soo hadal qaadayaa abaal uu sheegay in Golaha Guurtidu u galay Madaxwaynaha Somaliland iyo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo uu sheegay inay ka badbaadiyeen xil ka qaadis ay ku samayn lahaayeen Mudanayasha Golaha Wakiilladu.
Xildhibaan Dheeg oo ugu horeyn ka hadlaya abaalka uu sheegay inay Guurti ahaan u galeen Madaxwaynaha iyo Guddoomiye Cirro ayaa yidhi “Madaxwaynaha iyo Guddoomiyaha Golaha wakiilladu midna abaalkii loo galay Guurtidu muu marin, waayo saddex jeer oo guddoomiye Cirro ay sidaa u laad-laadinayaan dadkii doortey oo ay leeyihiin waannu rideynaa oo ay  diyaar yihiin codadkii lagu ridayey, ayaanu u gurmanay oo lagu dhaartey oo la yidhi wallaahi bay daan rideynin. Waar Guurtiyeey na daaya ayay yidhaahdeen annaga ayaa dooranay Cirro oo waanu iska beddelaynaaye, waanu diidnay oo ma ridi kartaan oo uu fadhiyayaa ayaanu nidhi illaa inta Golaha wakiillada uu xilku ka dhammaanayo, sidii baanu ku joogaa, laakiin wuxuu abaalkayagii ka dhigay inuu yidhaahdo 3-da bilood oo Guurtidu ku saa’idisay wakhtigii lagu soo wada hadlay (xisbiyadu ku soo wada hadleen) ayaan sharafta kaga ridayaa Golaha Guurtida, laakiin sidaa Guurti sharaftu kaga dhici mayso, soona noqon maayo (Go’aankoodu), abaal laawena waanu u arkaynaa…..”
Xildhibaan Maxamed Maxamuud Yaasiin (Dheeg) waxa kale oo uu sheegay inaan Komiishanka iyo xisbiyadu aanay doorashada ku qaban Karin xilliga ay xukuumadda u kordhiyeen “Haddii Komiishanka iyo xisbiyadu ay doorashada ka gaadhsiiyaan sanadkaa iyo tobankaa bilood waxba ma aqaan anigu, waayo qabyada u taalla ku dhamayn maayaan, muran bayna ku jiraan, waxay ku odhanayaan Siilaanyo ayaa sidaa yeeli jiray, waar qofku waxa wanaagsan ayaa lagaga deydaa, qaladkii Siilaanyo galay barigaa hore haddaad idinkuna maanta gashaan (Xisbiyadaw), waa khasaare kale uun, annaguna (Guurtida) mar kale ayuun baanu idinku kordhinaynaa…” ayuu yidhi.
 

Leave a Reply