Bulshada Gobolka Sanaag Oo Ka Qaylisay Xaaluf Lagu Hayo Deegaanka

0
348

“Xaalufinta Deegaanka Lagu Hayo Waxaa Qayb Ka ah Wasaaradda’’
 
 
 
Ceerigaabo (Dawan)- Madax-dhaqameedka, waayeelka iyo waxgaradka ka soo jeeda deegaanka Bariga degmada Ceerigaabo ayaa qaylo dhaan ka muujiyeen xaalufin ba’an oo lagu hayo deegaanka iyo khayraadka dabiiciga ah ee gobolka Sasnaag.
Xubno ka mid ah cuqaasha iyo waxgaradka gobolka Sanaag oo shalay shir jaa’id ku qabtay magaalada Ceerigaabo, ayaa sheegay in gobolka ay ka jirto xaalufin ba’an oo lagu hayo deegaanka, waxaanay xukuumadda ka codsadeen in la dabaqabateeyo deenkaasi, iyaga oo eedayna u soo jeediyay isuduwaha wasaaradda horumarinta deegaaka ee gobolka Sanaag Xuseen Cismaan (Talaahi).
Chief-caaqilka Xuseen Xasan Cali oo isagu ugu horrayn shirkaasi ka hadlay ayaa waxaanu yidhi “Waxaanu halkan ugu soo baxnay dhibaato ka taagan degaanka, dhulkiina waxa loo gubayaa Puntland, isuduwaha oo muddo badan joogeyna cidna talo kama weydiiyo, wuxuuna u baydhay wax aan shaqadiisii ahayn, dadkiina wuu iska hor keenay, markaa waxaanu leenahay xukuumaddu ha keento cid dadka la jaan qaadda oo degaanka badbaadisa”.
Oday Maxamed Xuseen Maax oo ka mid ah waayeelkii halkaasi ka hadlay ayaa eedayn u jeediyay isu-duwaha wasaarada horumarinta deegaanka ee gobolka Sanaag, waxaanu yidhi “Waxaanu ku canbaaraynaynaa Isuduwaha degaanka Sanaag, inuu shuraako la yahay dadka dhuxusha shidaya iyo kuwa geedaha baabuurta ku daabulaya, una raraya Puntland, dhulkiina waa gubtey oo waa xaalufay dadkiina wuu iska hor keenay, waxaanu leenahay ninkaas ha nalaga beddelo”.
Yaasiin Cali Maxamed oo isaguna ka mid ah waxgaradkii halkaasi ka hadlay ayaa yidhi  “Dhibaatada jirta ee laga qaylinayo anigu waxaan u arkaa inay tahay isuduwaha degaanka Sanaag Xuseen-talaahi oo uu magacaabay Marxuum Maxamed Ibraahim Cigaal, ilaa iyo maantana wasaaradda joogey, in raagsiinyahaas awgeed uu u qaatay meel uu isagu leeyahay.
Annagoo xushmaynayna wasiirka iyo madaxweynaha sidoo kalena jecel dalka horumarkiisa waxannu leenahay Shukri Xaaji Bandare Sacaadatul-wasiir meesha Xuseen waa ku raageye nin uga waxtar iyo ogaalba roon ha loogu beddelo wasaaradda”.
Xaaji Cabdillaahi Jaamac Abokor oo isaguna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Gobolka dadkii waxa ka dhex kacay ninkaas isuduwaha degaanka ah ee dhuxusha iyo geedaha iyo wax kastaba gacanta u qaaday oo dhulkii naga xaalufiyey oo u raraya Puntland oo uu dad shuraako kula yahay”
Sheekh-Saleebaan Siciid oo ugu danbayntii isagu halkaas ka hadlay ayaa wuxuu yidhi “Waxannu leenahay abaarta aannu ka qaylinayno waxa noogu wacan xaalufka deegaanka ee ninkaasi sababta u yahaye ha nalaka beddelo”.
 

Leave a Reply