By: Khadar M. Dhako
Hargaysa (Dawan): Imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014-2015 ee fasaladda 4aad ee sare iyo fasaladda sideed ee dhexe ayaa la filayaa in Axada beri ay si rasmi ah guud ahaanba uga bilaabmaan dalka, iyadoo imtixaankaasi ay u fadhiisanayaan 24000 arday.
Kooxdii labaad ee hawlwadeennadda ka shaqaynaya imtixaanka shahaadiga ah ayaa shalay waxay u baxeen deegaamadda ay ka shaqaynayaan, iyadoo kooxaha hawl-wadeenadda imtixaanka qaadaya ee goboladda fog-fog ay Khamiistii doraad baxeen.
Munaasibad lagu sii dardaraayay laguna dirayay shaqaalahaasi oo shalay lagu qabtay xafiiska imtixaanka qaranka ee magaaladda Hargeysa, kuwaasi oo ka hawlgeli doona gobolada Togdheer, Saaxil iyo Awdal, ayaa masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka iyo wasaaradda waxbarashada oo halkaasi ka hadlay waxay kula dardaarmeen hawlwadeennada imtixaanka shahaadiga ah inay iska xilsaaraan sidii ay u adkayn lahaayeen sirta imtixaanka.
Wasiirul dawlaha waxbarashada Axmed Nuur Faahiye, oo halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in imtixaanka shahaadiga ah ee sanad dugsiyeedka 2014- 2015 ay u fadhiisan doonaan guud ahaan dalka oo dhan arday ay tiradoodu gaadhayso 24 kun oo arday, oo isugu jira fasaladda afraad ee sare iyo Sideedaad ee dhexe.
“Imtixaanka loo baxayo oo loo fadhiisan doono bisha toddobaadeeda, oo maalinta Axada ku began, iyadoo Jamhuuriyadda Somaliland oo dhan imtixaanka shahaadiga ah ay u fadhiisan doonaan tiro ku dhaw 24 kun oo arday dalka oo dhan. kuwaasi oo iskugu jira 14000 kun iyo dheeraad dugsiyada hoose dhexe ah iyo 9000 kun oo dugsiyadda sare ah”ayuu yidhi Wasiirul dawlaha waxbarashada.
Axmed Nuur Faahiye, waxa uu tilmaamay in ay tahay arrin qaranka ku weyn in 24000 oo arday ay imtixaanka u fadhiistaan. Waxaanu yidhi “Maanta (shalay) waa maalin qaranka iyo shacabka reer Somaliland ku weyn, oo 24000 kun oo arday ay u fadhiisan doonaan imtixaanka, ayna ku soo biiri doonaan saaxadda aqoonta arday cusubi”.