Wada Hadalada Coodanle Ugu Socda Beelaha Qorilugud Iyo Buuhoodle Oo Horumar Sameeyay

0
296

 
By : Khadar M. Xaashi
 
Buuhoodle (Dawan):- Magaalada Coodanle ee deegaanka Buuhoodle ayaa waxa mudooyinkii u danbeeyay ka socday ,shirka nabadeynta beelaha Burco iyo Buuhoodle iyada oo mudo sagaal cisho ah ay ku sugnaayeen halkaasi isimada, cuqaasha iyo waxgaradka labada dhinac, iyaga oo  ku dedaalaya sidii ay nabad waarta uga dhex dhalin lahaayeen labada beelood ee walaalaha ah,oo mudooyinkii u dambeeyay colaadi ka dhaxeysay.
Guddida dhaqanka ee ku sugan shirkaasi ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay wada-hadalada iyo arrimaha nabadaynta ah ee halkaasi ka socda, waxaana arrintaasi faahfaahin ka bixiyay Abwaan Waraabe oo ka mida gudida nabadeynta ee shirkaasi ku sugan, waxaanu yidhi “waxaanu umada u sheegaynaa in arrintu meel wacan mareyso, in rajada la qabaana ay tahay boqolkiiba afar boqol oo ay wax waliba isku hagaagayaan, wax walbana nabad laga gaadho iyada oo gacmaha lays haysto ,iyada oo la faraxsan yahayna lagu kala tago halkan, isim-kataana umadiisi iyo beeshiisi uu gaadhsiiyo wax lagu farxo.”
Caaqil Yuusuf oo isaguna madashaas ka hadlay ayaa waxaa uu yidhi “shirkii wuu socdaa si wanaagsana ayuu u socdaa, gabagabanna wuu taagan yahay ,intaasna waxaa lagu guda jiray uun xaajooyinku sida ay u kala sareeyaan, imikana meel wanaagsan ayay mareysa oo looma kala tagin  loomana kala maqna ,haday madax dhaqameed tahay iyo haday cuqaal tahayba, haday odayaal tahay, haday culima tahay iyo haday waxgarad tahay intaba looma kala maqna.”
Caaqilku isaga oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaasi ku daray “Waxaan leeyahay waar nabada wax ka wacani ma jiraan, nabada wax ka macaani ma jiraan ,labada beelood waa inan iyo abtigii, inan iyo seedigii, waa inan iyo hooyadii waa inan iyo habaryartii waxaan leeyahay nabada halaga shaqeeyo.”
Sheekh Cumar Soodaani oo ka mida culimada waa weyn ee reer Buuhoodle oo isaguna ka mida gudida shirka nabadeynta labadan beelood oo meesha ka hadlay ayaa ka warbixiyay sida ay wax u socdaan iyo halka uu shirku haatan marayo waxaanu yidhi “meel wanaagsan ayay wax marayaan isimada ayaanu xaajada ku wareejinay, ILLAAHAY baana aanu ka rajeynayna inay si dhakhso ah wax u dhamaadan, dadkuna waa dad ehela ,islaama waa dad darisa waa dad qaraaba ah wanaag badanbaana ka dhex muuqda ,hawshuna waa hawl madax banana.”
Isimada iyo waxagarqadka nabadeynta labadaa beelood waxa ay si isku mida isaga wada  hadleen in sababta meeshan ay u yimaadeen ay tahay nabadeynta labadan beelood, isla markaana ay joogayaan inta ay nabad waarta ka dhalinayan deegaankan oo aanay ka tageyna.

Leave a Reply