Hargeysa(Dawan): Dugsiga ku cusub dalka oo la magac baxay Qoys-Kaab ayaa markii u horaysay laga hirgeliyay caasimadda Hargaysa, dugsigaasi oo lagu baran doono arimaha qoyska, iyadoo shahaadooyin guddoonsiiyay dufcadii koowaad ee ka qalinjabisa dugsigaasi.
Munaasibad balaadhan oo ardaydaasi ka qalain jebiyay dugsiga qoys-kaab lagu qabtay hudheelka Maansoor ee magaalada Hargaysa. Waxaana ka soo qayb galay munaasibadaasi wasiirka qorshaynta qaranka, Guddoomiyaha golaha Wakiilada ahna xisbiga WADDANI, .Agaasimaha wasaaradda kaluumaysiga, xoghayaha warfaafinta ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Yuusuf Ducaale (Boobe) iyo marti sharaf tiro badan.
Dugsigan oo ay fikirka aasaaskiisa lahayd Nadda Yuusuf Cumar, oo hore u qortay buug ka hadlayay arrimaha qoyska oo lagu magacaabo BEERTA QOYSKA, ayaa ka warantay sababihii ku dhaliyay inay hindisto dugsigan lagu barto arrimaha qoyska.
Waxaanay tidhi “In badan ayaan ka Ooyay, ka murugooday, carruurta waddooyinka taagan, carruurta xabagta cabaysa, carruurta dooxyada joogta iyo carruurta jeelasha ku jirta. Waxaasi oo dhammi waxay noqdeen kuwo qalbigayga ku beeray naxdin iyo murugo.
Waxaan is-waydiiyay, tolow carruurtu haddii ay jeelasha wada galaan ayaa dalka xukumi doona?, tolow haddii carruurtu sidan noqoto ayaa mustaqbalka dalkan u hadhi doono, waxa kale oo aan is waydiiyay tolow carruurtan maxaa dhibta ugu wacan, maxaa jeelka loo geeyaa.
Markii aan xog ururin badan sameeyay, waxa aan ogaaday inay tahay waalidkood oo kala tegay, Aabohood iyo Hooyadood oo aan wada joogin iyo qoyskoodii oo burburay. Taasina ay sababtay inay dooxyada tagaan, waxa aan is waydiiyay ma carruurta ayaa la tarbiyadeeyaa, mise Hooyadood iyo Aabohood ayaa la isku celiyaa”.
“Waxaan ku fikiray intii carruurta loo jeedsan lahaa in la sameeyo iskuul lagu tuso qumanaanta, farxada iyo qiimaha uu leeyahay qoyska muslimka ah iyo diinta Islaamka, heerka uu ka joogo, intaanan iskuulka samaynin dalkeena ma jiro wax manhaj ah oo lagaga hadlo arrimaha qoyska. Waxaan ka fikiray in aan sameeyo Buug, bishii 8aad 2014 ayaan Emperial huteel kaga dhawaaqay in aan qori doono buug ka hadlaya arrimaha qoyska.
Dugsiga oo aan magac lahayn ayaan kala tashaday wixii loo bixin lahaa Abwaano badan iyo qoraayo, waxana magaca Qoys-kaab bixiyay Qoraa Cabdiraxman Yuusuf Ducaale(Boobe)” ayay tidhi Marwo Nadda. Boobe Yuusuf Ducaale, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in dugsiga ay gabadhani samayso bulshadda looga baahan yahay in la isku garab taago.isla markaana ay lagama maarmaan tahay in la helo meelo noocani ah oo lagu baranyo horumarinta qoyska.
“Waa masuuliyad ina wada saaran, umaduna umad noqon mayso mujtamucuna mujtamac noqon maayo haddii aynaan qoys ka soo bilaabin. Nadda waan hambalyaynaa iyo inta la hawl gashayba, dhiiranaan ayaa ku jirta, waxa ay u baahan tahay in la garab galo, waxaynu u baahanay haddii aynu doonayno in aynu umad noqono unugu waa qoyskee in qoyska laga soo bilaabo.
Waxaynu kula talinaynaa in iskuulka lagu daro qayb diiwaangelisa dhacdooyinka, si looga tusaale qaato dhacdooyinka maalin walba dhacaya ee bulshada ka dhex dhacaya”ayuu yidhi Boobe Yuusuf Ducaale.
Sidoo kale Canab Cumar Ileeye oo ka tirsan macalimiinta iskuulkan Qoys-kaab oo iyadna halkaasi ka hadashay ayaa sheegtay inay ardayda uga faa’iidayso waayo aragnimada dhaqan ee bulshada Somaliland ay u leedahay.
Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Sacad Cali Shire oo goobtaasi ka hadlay ayaa sheegay in qoysku yahay Hooyada iyo Aabaha oo si wanaagsan u tarbiyadeeya caruurta.
Waxaanu yidhi “Qoysku waa aabaha iyo hooyada oo waajibkooda garta,caruurta waxa saameeya la hadal la’aanta cayda ,dilista ,waxaan aad ugu mahadnaqayaa maamulka Dugsigan Qoys-kaab oo inoo soo kordhiyay wax aad u wanaagsan ,waxa kale oo aan halkan hambalyo uga soo jeedinayaa hablaha dhammaystay qoyskaab.
Qoysku waa unuga dhismaha bulshada,bulshaduna waxa ay ka kooban tahay qoysas waddaag ah ,qoysku waxa uu ka bilaabmaa Aabe iyo Hooyo,waxana ku soo biira caruur,haddii qof cimrigiisa la qiyaaso isku celcelin waxa laga yaabaa in %60 uu qofku ku jiro xayndaabka qoyska,ilmuhu marka uu qoyska ku soo biro af lama dhasho,Qoysku waa halka ilmaha loogu bilaabo anshaxa iyo wanaaga,macalimiintu waa hooyada iyo aabaha” .
Gabagabdii xafladaasi ayaa waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gufoonsiiyay shan iyo labaatan gabdhood oo dhammaystay arimaha qoyska iyo anshaxa wanaagsan ee la dhaqanka lamaanaha.
Dawannews Hargeysa office