Hargaysa (Dawan): Wasiirka Wasaarada Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Somaliland Faarax Cilmi Geedoole, ayaa ka hadlay sida uu dalka uga bilaabmay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo dugsiyadda sare, kaasi oo shalay guud ahaanba dalka oo dhan ka bilaabay.
Wasiir Geedoole oo shalay warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in sanadkan ay imtixaanka u fadhiisteen 23300 oo arday ah dalka dhan, tiradaasi oo isugu jira fasaladda sideed ee dhexe iyo fasaladda afraad ee sare. Waxaanu tilmaamay in imtixaanku si nabadgalyo ah uga qabsoomay gobolada iyo degmooyinka.
Waxaanu yidhi “ Maanta (shalay) oo bisha lixaad ay tahay 7, waxa dalka ka bilaabmay imtixaankii shahaadiga ahaa ee fasaladda siddeedaad iyo fasalka afraad ee secondary. waxaanu ku bilaabmay si nabadgalyo ah imtixaankaasi meel kasta oo iskuul ku yaallo, waxaan aad iyo aad ugu mahadnaqayaa hawlwadeenadda imtixaanka iyo xafiiska imtixaanka oo muddo dhawr bilooda ah aan ka seexan sidii imtixaanka ay u diyaarin lahaayeen” ayuu yidhi Md. Geedoole.
Isagoo hadalkiisa sii watayna waxa uu yidhi “Tiradda ardayda u fadhiisatay imtixaanka waa 23300 waana tiro aad u badan waxaana u rajaynayaa ardayda in imtixaanka ku guulaystaan. Imtixaanka wakhti hore ayaan bilownay iyadoo aan ka ordayno bisha ramadaan oo soo dhaw waxaana imtixaanku dhamaan doonaan inta ayna soo galin bisha ramadaan.
Sixitaankuna markuu soo hoydo ayaynu si rasmi ah u bilaabmayaa si imtixaanka loo saxo wakhtiga ku haboon si aanay ardayda imtixaanka u fadhiisatay uga habsaamin sanad dugsiyeedka.
Dhinaca kale wasiirka Waxbarashadu waxa uu u mahadnaqay ciidamada amaanka ee kala shaqaynaya habsami u socodka imtixaanka masuuliyiinta goboalda dalka iyo hawlwadeenada imtixaanka.
“Waxa aan u mahadnaqayaa hawlwadeenada imtixaanka guddoomiyeyaasha gobolada dalka iyo ciidamada amaanka ee nagala shaqaynaya nabadgalyada iyo habsami u socodka imtixaanka”ayuu yidhi Wasiirku.
Khaddar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office