Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Ka Qaybgalay Munaasibad Lagu Xusayay Maalinta Deegaanka Aduunka

0
335

Hargeysa  (Dawan):  Madaxweyne ku xigeenka Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ahna ku simaha madaxweynaha  ayaa ka qaybgalay xaflad balaadhan oo lagu xusayay maalinta Deegaanka, taasi oo lagu qabtay  xarunta  wasaaradda  deegaanka ee  magaaladda Hargaysa.
Waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay xubno ka tirsan golaha Wasiirrada, oo ay ka mid ahaayeen, wasiirka deegaanka iyo horumarinta reer miyiga,  wasiirka Qorshaynta, wasiirka beeraha, wasiirka xidhiidhka goleyaasha qaranka,  wasiirka ganacsiga, wasiir ku xigeenka warfaafinta, wasiir ku xigeenka dhinaca amniga ee wasaaadda daakhiliga,  iyo masuuliyiin kale.
 
Sidoo kale waxaa xafladaasi ka soo qaygalay saraakiil iyo masuuliyiin ka socday hay’adaha caalamiga ah iyo ururadda aan dawliga ahayn  ee wasaaradda deegaanka kala shaqeeya arrimaha ilaalinta iyo daryeelka deegaanka.
Madaxweyne ku xigeenka oo munaasibadaasi hadal ka jeediyay ayaa ka waramay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dhirta iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa. Waxaanu tilmaamay Md. Saylici in  xukuumaddu qaaday talaabooyin badan oo wax lagaga qabanayo ka hor-tegista xaalufka deegaanka.
 
Waxaanu yidhi “Xukuumadda Somaliland iyadoo  ka  duulaysa siyaasadda ku aadan dhaqaalaynta iyo ilaalinta deegaanka, iyo is-bedelka waxyeeladda cimiladda si loo yareeyo, waxay qaaday talaabooyin badan oo lagu daryeelayo deegaanka. Waxaana ka mdi ah:
1: Raadinta iyo dhiiri gelinta tamarro kala duwan oo lagu bedeli karo Dhuxusha.
2:  ka hortagga xaalufka iyo dhir jarista. Iyadoo wixii  hadda ka danbeeya aan loo dul qaadan doonin in dhirta la baabiiyo.
3: Hakinta iyo baabiinta dhul-daaqsimeedka sida sharci daradda ah loo Ootay”.
 
Sidoo kale madaxweyne ku xigeenku waxa uu fariin adag u diray dadka sida sharci daradda ah dhul-daaqsimeedka u Ootay, isagoo xusay in aan arrintaasi loo dul qaadan doonin, isla markaana ay dhawaan bilaabayaan talaabo ay wax kaga qabanayaan.
“Dhulkii umadda ka dhexeeyay, waxaynu ognahay in ay cid gaar ahi qaadatay, waxaanu leenahay umadda reer Somaliland meel kasta oo ay joogaanba dhulka aad oodateen umadda kama lihidin. Loomana dul qaadanayo manta laga bilaabo, waxaana loo xil-saaray  hawshaasi 12-wasaaradood oo iska kaashanaya. Kharash kasta iyo dhaqaale kasta oo ay arrintaasi nagu qaadanaysana waxaanu ku bilaabaynaa olole balaadhan,  dhulkaasi ay cida gaarka ahi Oodatay, iyadoo aanay jiri doonin cid meel iska oodatay”.
 
Wasiirka wasaaradda deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, oo xafladaasi ka hadashay ayaa sheegtay in dedaal balaadhan ugu jiraan ka wasaarad ahaan ilaalinta deegaanka iyo sidii looga hortegi lahaa wax kasta oo dhibaato ku keenaya.
Iyadoo xustay in ay sanadkan  ku guulaysteen in ay abuuraan 210,000 geed, kuwaasi oo la doonayo in laga beero meelaha ku haboon. Dhirtaasi oo ay si weyn ugu guntadeen beeristoodda waaxda xanaanaynta dhirta ee wasaaradda deegaanka.
Waxaanay tidhi “Sanadkan waxaanu soo saarnay, 21o,000 (laba boqol iyo toban kun) oo   geed oo yaryar, kuwaasi oo qaybo fara badan isugu jira. Iskama ay iman dhirtaasi laakiin waxaa  xooga saaray sidii loo abuuri  lahaa, shaqaalaha wasaaradda, gaar ahaan waaxda  xanaanaynta dhirta, oo habeen iyo maalinba u soo jeeday sidii loo heli lahaa dhirtaasi”.
Waxa kale oo ay tilmaantay wasiirku in sanadka soo socda ay u qorshaysan tahay in ay goboladda dalka oo dhan gaadhsiiyaan dhirta la beerayo, si gobol waliba uu isku filaansho dhinaca dhirta ah u gaadho.
“Sanadka danbe, waxaanu doonaynaa in aanu waaxda xanaanaynta dhirta goboladda oo dhan ka samayno, si gobol kastaaba uu isku filaansho u gaadho xagga dhirta. Waayo waxaa dhibaato nagu noqotay rarista dhirtaasi oo baabuur badan u baahan” ayay tidhi Wasiirku.
Waxa kale oo iyaguna  halkaasi ka hadlay wasiirro badan oo ku dheeraaday qiimaha ay leedahay ilaalinta  deegaanku,  kuwaasi oo ka waramay muhiimada uu deegaanku u leeyahay nolosha bani’aadamka.

By: Khadar Cabdi Muuse

 Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply