Dhibaatadda Iyo Saamaynta Dhaqaale Ee Lacagaha Aan Sharciyaysnayn QEYBTA 4AAD-

0
386

Sidoodaba lacagaha foojariga iyo been abuurka ahi waa lacago aan lahayn wax sharciyad ah oo ay ku dhisan yihiin, isla markaana ay samaysato  cid gaar ah oo aan sharciyad u haysanin inay lacag samaysato.  Danta iyo ujeedada ugu weyn ee had iyo jeer loo samaysto lacagaha foorjariga ahina waa in si fudud oo deg deg ah loogu helo dhaqaale  tiro badan oo aan tacab iyo hawl midna loo marin. Si kale hadaynu u tilmaano ujeedada loo samaysto lacagaha been abuurka ah ee aan sharciyada lahayni waa in lagu dhaco ummada dhaqaalaheeda iyo hantideedaba iyada oo lagaga bedelanayo lacagtaas been abuurka ah.
 
Samaysashada iyo adeegsiga lacagaha been abuurka ah ee aan sharciyada ku dhisnayni ma aha wax iminka bilaabmay ee waa wax mudo dheer soo jirey oo bilaabmay xiliyo fog. Sidoo kalena noocyada lacagaha aan sharciyada lahayn ee la samaystaa waa kuwo aad u tiro badan oo kala gedisan, waxaana ka mid ah nooca loo yaqaano “Mobile Money’  taas oo ah lacag la mid ah lacagaha foorjariga ah ee qaabka  sharcidarrada ah loo soo daabacdo. Balse  Lacagta Mobile Money-ga iyo isticmaalkeeduba waa kuwo ku cusub caalamka intiisa badan  waxaana ilaa hada laga isticmaalaa dhawr wadan oo dunida ka tirsan,  oo uu ka mid yahay dalka Somaliland, kaas oo lagu isticmaalo
 
“ZAAD  iyo  E-DAHAB “ oo labaduba ah lacago  telefoonada lagu qaato   aan lahayn wax damaanad iyo sharciyad  ah, maadaama aanay ahayn lacago dawladu maamusho, balse ay  yihiin lacago  ay samaysteen  shirkado ganacsato ah oo gaar loo leeyahay. Sidoo kalena lacagahaas iyo dhaq dhaqaaqooda  lacageed aanay waxba kala soconin  hay’adaha lacagta iyo hawlaheeda ku shaqada lihi.
 
Sidaa aawadeed waxa mar allaale marka lacagaha noocan ahi soo galaan seyladaha lacagta, waxay si degdeg ah  u kiciyaan qiimihii sarifka lacagaha ee seyladahaas. Kaas oo ay ka dhigaan mid aad uga sareeya halkii uu marka hore taagnaa.  Waxa kale oo isla markaaba ay lacagaha aan sharciyaysnayn  ee  seyladaha lacagta lasoo geliyey qiime dhac ku ridaan lacagta rasmiga ah ee dalkaas lagu isticmaalo.
 
“Mobil money”  maaha lacag la ogyahay guud ahaan  tiradeedu inta ay dhantahay  iyo inta maalin kastaba la geliyo seyladaha lacagta iyo suuqyada ganacsiga ee wax lagu kala iibsado,  sababtoo ah ma aha lacagahaasi kuwo u tirsan oo ay  jaangooyaan, ama kaantarool Bangiyada wadanku  kolba xadiga la samaynayo,  inta suuqa la gelinayo ee marba loo baahan yahay  iyo inta seyladaha ku wareegaysa ee  ay dadweynuhu haystaan.  Waxa kale oo aan iyaduna jirin wax hanti iyo damaanad ah oo uu Bankigu ka hayo  lacagta loo yaqaan “Mobile Money” iyo shirkadaha iska lehba.
 
Waxa kale oo aan iyadana la ogeyn  inta ay dhan tahay  hantida  rasmiga ah ee ay haystaan kambaniyada  adeeggan “Mobile Money-ga” samaystay, kuna shaqaysta iyaga oo ka faa’iidaysanaya  bulshada  oo aan aqoon u lahayn dhibaatada dhaqaale  iyo saameynta xun ee ay  isticmaalka lacagta foorjariga ah ee “Mobile money” ku yeelanayso noloshooda iyo dhaqaalahoodaba
 
Dhinaca kalena  adeegyada iyo lacagaha aan sharciyada lahayn ee   qaabkan oo kale ahi waxay ka mid yihiin waxyaabaha ugu khatarsan ee sida fudud loogu dumin karo   dawlad dhan oo  cagaheeda ku taagan, iyada oo aan bur burinteeda loo  adeegsan  dagaal lagu qaadi iyo  xoog  Ciidan midnaba.   Balse afka loogu ridayo adeegsiga hanaan dhaqaale  oo foorjari ah.
 
 
Arrimaha isticmaalka lacagaha foojariga ah ee ay “Mobile money-ga” bilaa sharciga ah ka mid tahay, ay khasaare laxaad leh u geysataa ganacsatada waaweyn iyo wershadlayda ka shaqeysata dalkaasi, kuwaas oo aan wax magdhaw ahna aan ka helayn xukuumadda.Khasaaraha ugu badani waxa uu kaga yimaadaa xaga sabbaynta sicirka lacagaha iyo qiimaha badeecadaha kala geddisan.
 
Hawlaha  iyo adeegyada ay Baananka Dhexe iyo xukuumadahoodu sida foojigan u ilaaliyaan, una daba-galaan si joogto ah, waxa kow ka ah lacagta uu Qaranku leeyahay. Waajibyada uu u xil-saaran yahay Baanka Dhexe waxa ka mid ah inuu had iyo goor la socdo heerka wareegga ama dhaqdhaqaaqa lacagaha ee seyladaha, waxayna tahay inuu la socdo oo  wax ka qabto hadba wixii khataro ah ee waxyeelo gaadhsiin kara qiimaha lacagta rasmiga ee dalku leeyahay.
 
Baanku waa ka awoodda u leh inuu wareegga lacagta ee seyladaha ku jirta uu ka war hayo, isagoo Seyladaha marna ku kordhinaya lacag tiro ahaan ka badan tii hore uu u gelin jiray suuqyada lacagta ama inuu geliyo mid ka yar tii hore . Waxa uu kordhintaa iyo dhimistaa lacagta ku saleeyaa Baanku qiyaas qorsheysan oo uu ugu tallo galay inuu ku sugo ama ka ilaaliyo lacagta uu Qaranku leeyahay.
 
Sidaa awgeed, wax suurtagal ah maaha in lacago kale oo aanu ka war hayn ka barbar shaqeeyaan Baanka iyagoo aan soo marin shuruucda u oggolaanaya kambaniyadaasi inay sida Baananka ganacsiga oo kale uga hawl-galaan dal. Waxa kow ka ah shuruucdaasi inuu Baanka Dhexe ogaado oo uu ka hayo hantida lacageed ee uu doonayo inuu kaga hawl-galo kambanigaasi  dalka, taasoo u dhiganta ama la mid ah tan uu doonayo inuu kaga shaqeysto seyladaha lacagta.
 
Tallaabadan iyo kuwa kale oo badaniba, waxay xukuumadda iyo Baankeeda dhexeba awood buuxda u leeyihiin inay si rasmiya ula socdaan heerarka sabbaynta iyo wareegga seyladaha ganacsi ee kala duwan, gaar ahaana kuwa lacagaha.
 
Kambaniyada uu adeegooda ganacsi yahay qaabka “Mobile Money” hadday ka hirgalaan dal isticmaalka adeegga MOBILE MONEY, iyadoo aanu la socon Baanka ku shaqada leh hawshan amase indhahaba ay ka dabooshaan xukuumadda iyo Baankeeduba wax ka qabashadeeda ama  joojinteeda, waxaan muran lahayn in dalkaasi ay aafayn doonto isticmaalka lacagta “Mobile money” ee seyladaha lacagta kambaniyadaasi ugu soo shubaan hadba siday doonaan oo aan wax xakameyn, faragelin iyo xisaabtan toona lahayn.
 
Waxa jira kambaniyo mara dariiqyada sharciga ee lagu ganacsado, kuwaas oo laftoodu mararka qaar iyagu si ula kac ah oo iyaga u dan ah u abuura sicir-bararka, hase ahaatee haddana kuwaasi mararka qaar dawladahooda waxay kala shaqeeyaan sidii ay u tirtiri lahaayeen ama u yarayn lahaayeen marka uu sicir-barar dhinaca maciishadda ahi dhaco si kastaba ha ku yimaadee.
 
Siyaabaha oo ay ugala qayb qaataan waxa ka mid ah, iyagoo ay si wada jir ah xukuumadda iyo kambaniyadaasi u geliyaan seyladaha  lacago loogu tallo-galay in laga yareeyo hoos u dhaca qiimaha lacagta ee dalkaasi, si awood ay ugu yeelato bulshadu inay si siman seyladaha ganacsiga ee xagga maciishadda wax ka wada iibsan karaan hantiilayaasha iyo kuwa kale ee xoogsatada ah.
LA SOCO ARBACADDA………….

Leave a Reply