Dhaxal Sugaha Iyo Wasiirka Madaxtooyadda Imaaraadka Carabta Oo Kullamo La Yeeshay Weftigii Madaxweynaha Somaliland

0
373

Hargeysa  (Dawan):-  Madaxweynaha  Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)  iyo weftigii uu hogaaminayey ee ku sugnaa dalka isu  Imaaraadka Carabta,  ayaa kulan la yeeshay dhaxal sugaha Imaaradka Carabta Mohammed bin Zayed bin Sultan Al Nahyan oo uu wehelinayay  Ku xigeenka Raysal wasaaraha dalkaasi  ahna Wasiirka Madaxtooyada Mansour bin Zayed bin Sultan bin Zayed bin Khalifa Al Nahyan.
Waxaanay  ka wada hadleen labadda dhinaca mashaariic horumarineed oo Imaaraadka carabtu  ka caawinayaan Somaliland iyo sidii loo xoojin lahaa cilaaqaadka labada  dal u dhexeeya.
Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Md.  Maxamed Biixi Yoonis, oo ka mid weftiga madaxweynaha  ayaa ka waramay kulanka ay  Madaxweyne Siilaanyo iyo masuuliyiinta dawlada Imaaraadku wada yeesheen, waxaanu sheegay inay isku afgarteen waxyaabo badan. “Waxa farxad noo ah,  oo guul weyn u ah Somaliland iyo shacabkeeda in Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo weftigii la socday ee baladhaanaa la kulmeen dhaxal sugaha Maxamed Bin Zayed Al- Nahyan iyo Wasiirka madaxtooyada Sheekh Masnuur binu Sacid oo aanu laba shir la kala yeelanay.
 
Labadaa  shir oo aad muhiim u ahaa oo aanu kala wada hadalnay mashaariicdii ay hore noo siiyeen iyo mashaariic badan oo cusub oo ay ka mid yihiin mashaariic ku lug leh, biyaha, tacliinta, iskuulada, tababarka dhan kasta leh oo dhaqaalaha ah iyo cilaaqaadka labada dal ee walaalaha ah sidii la iskugu soo dhaweyn lahaa ayaanu kala hadlanay labada sheekhba. Si  aad ah bay noo soo dhaweyeen aad muhiim u ah, waxaanu ku faraxsanahay in dalabaadkii aanu u qadinay naga ogolaadeen waanan ku faraxsanahay sida weyn ee qadarinta leh ee Madaxweynaha loo soo dhaweeyay” Ayuu yidhi Maxamed Biixi  Yoonis.
 
Dhinaca kale  wasiirku faahfaahin ka bixiyay kulamo  uu dhwaan dalka Ivory Coast  kula yeeshay  madaxda baanka horumarinta Afrika.  waxaanu yidhi “Waxa kale oo aan doonayaa inaan idiin sheego inaan ka soo noqaday dalka Koonfur Afrika, horteena aan ku maqanaa dalka la yidhaahdo Ivory Coast caasimadiisa Abidjan, halkaas oo aanu u tagnay aniga iyo weftigii la socday in aanu la kulano baanka horumarinta Afrika (African Development Bank).
Sidaad  ula socotaan baanka horumarinta Afrika dalkeena waxay yimaadeen bishii March oo waxa yimid wefti balaadhan oo sideed xubnood ka koobnaa, waxaanu ka wadahadalnay sidii dalka wax looga qaban lahaa.Waxaanu  wada saxeexanay heshiis ku saabsanaa ah si aanu u daba socono shirkii aanu ku wada yeelanay Hargeysa , waanu la shirnay baanka horumarinta Afrika waxay balan noogu qaadeen arrinkii biyaha oo ee ay noogu balan qaadeen oo ahaa 9 Milyan iyo 14 Milyan oo biyaha ah in ay iman doonaa bisha Ramadaan oo weftiga iman doonaa ay u sameeyaan diyaargarawgii oo siday noogu balan qaadeen. Markaad  waxaanu aad ugu mahadnaqynaa baanka horumarinta Afrika, waxtarka ay ina siinayaan, wadahadalada aanu la yeelanay iyo siday noo soo dhaweeyeen.”
Wasiirku  waxa uu sheegay  in dalka Koonfur Afrika u kaga qaybgalay shir lagaga hadlayay dhaqaalaha Afrika, shirkaasi oo hadal ka jeediyay, isagoo dhinaca kalena kulan la yeeshay madaxweynaha dalka Koonfur Afrika. Isagoo arrimahaais ka hadlayayna waxa uu  yidhi  “Waxaanu tagnay dalka Koonfur Afrika oo nalagu soo casuumay  shir lagaga hadlayay dhaqaalaha qaaradda Afrika (World Economic Forum on Africa) oo doorkan ka dhacay magaalada Cape Town, sannadkii mar ayuu Afrika ka dhacaa marka labaadna wuxuu ka ka dhacaa Switzerland.”
Wasiir Maxamed Biixi oo hadalkiisa sii watay wuxuu yidhi “Magaaladda  Cape Town waxa iskugu yimid ilaa 2,500 oo Wasiirada caalamka ku jiraan, Somaliland haddaanu nahay waxa naloo soo dhaweeyay sida Wasiirada caadiga ah.Waxaanu  ka qaybgalay shirar badan oo ka socday halkaa oo khaasatan ku lug lahaa arrimaha nabada oo dadku aad u xiisaynayeen siday Somaliland iyadoo ilaa imika  aan aqoonsi haysan ay hadana  24 sannadooda xasilooni, nabad iyo degenaasho u haystaan, taas oo caalamka intooda badani door bidayeen oo ay jecelyihiin in Somaliland heerkaa ay gaadhay ku biiriso   meelaha ay dhibaatooyinku ku taagan yihiin. Waxa  kale oo aanu la kulanay Madaxweynaha Koonfur Afrika, waxaan la kulmay Wasiiradiisa  khaasatan Wasiirka madaxtooyada iyo Wasiirka khaatajiga, waxaanu la kulanay Wasiiro badan oo ka yimid dalal badan oo Afrika ah oo Gana leh oo Ruwanda leh iyo Ivory Coast.Wasiirradaas  waxaanu is-weydaarsanay in aanu cilaaqaad yeelano waxaana ugu muhiimsanaa ee aanu meesha u tagnay waxay ahayd in dawlada Somaliland iyo shacabkeeda la barto oo la ogaado halkay maanta joogtana kor loogu qaado, maantana dadka Somaliland ay diyaar u yihiin in la aqoonsado”ayuu yidhi  Wasiir Biixi.
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply