Ciidammadda Ammaanka Awdal Oo Ku Tuntuunsaday Hub Culus Oo Nabad-gelyadda Halis Gelin lahaa

0
375

Boorama (Dawan) –  Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), ayaa ka waramay hub kala duwan oo ka kooban Hoobiye iyo rasaastiisii  oo ciidamada ammaanku ay shalay qabteen, waxaanu intaas ku daray in dad loo qabtay kuwo kalena ay ku daba jiraan.
Badhasaab  Ramaax oo shalay warbaahinta la hadlay waxa kale oo uu sharaxay noocyada uu hubkani ka kooban yahay, waxaannu sheegay inuu khatar ku yahay ammaanka Somaliland iyo wadamada deriska ah islamarkaana ay baadhis ku hayaan.
“Waxaan aad ugu mahad-naqayaa ciidamada Booliska iyo dhammaan ciidamada Jamhuuriyada Somaliland, haddii ay tahay qaranka oo ka hawl-galay hawshan aynu arkayno oo runtii khatar ku ahayd nabadgelyada Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahayba, baadhistu wey socotaa waxaanan rajaynayaa haddii ALLE yidhaahdo  in hawl-galada caynaas oo kale. Cid waa loo hayaa cid kalena waanu ku dabo jirnaa,” Ayuu yidhi Guddoomiye Ramaax.
Maxamuud Cali Saleebaan  waxa uu sharaxay noocyada uu ka kooban yahay hubkan la qabtay, waxaanu yidhi “Hubkani waxa uu ka kooban yahay laba Hoobiye, rasaasta Hoobiyaha oo tiro badan, xabagta Hoobiyaha, baaruuda cad, baaruuda madow, fuyuusyada iyo allaab badan oo loo isticmaali karo in wax lagu qarxiyo. Sidaa darteed, waa arrin halis weyn ku ah Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalalka aynu jaarka nahayba.”
Hubkan iyo baaruuda noocan oo kale ah waxa adeegsada kooxaha argagixisadda oo u isticmaala qaraxyadda ay ka sameynayaan goobo mucayin ah, illaa imikana la garanayo cid loo waday hubkan.
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply