Wasiir-ku-xigeenka Khaarajiga Oo Brussels Kulan Kula Yeeshay Saraakiisha Midawga Yurub

0
322

Brussels (Dawan): Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda  iyo  Iskaashiga Caalamiga ah Somaliland   Mawliid Maxamuud Ibraahim,  ayaa magaaladda Brussels kulan  kula yeeshay   agaasimaha   arrimaha Afrika u qaabilsan ee Xarunta   Midawga Yurub Koen Versaek.
 
Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa  uga mahadceliyay sida fiican ee Midawga Yurub ay    Somaliland uga taageeraan dhinacyada dimuqraadiyadda iyo arrimaha doorashooyinka, mashaariicda wax-qabad iyo horumarka.
 
Sida  dhinacyadda  biyaha, Sanduuqa Horumarinta Somaliland (SDF), tababarada ciidanka ilaalada xeebaha Somaliland, dhismaha wadadda Berbera Corridor iyo barmaamijyada ku jira qorshaha New Deal-ka  (Somaliland Arrangement) guud ahaan.
Waxaanu  warbixin faahfaahsan ka siiyay Midawga Yurub xaaladda guud ee nabadgelyada dalkan Somaliland, geedi socodka horumar ee wadanka, arrimaha doorashooyinka, kartida iyo garashada wanaagsan ee dadka reer Somaliland u leeyihiin xallinta khilaafaadkasta oo  yimaada iyo hannaanka ku dhisan ka wada hadalka arrimaha khuseeya,  isu tanaasulka, is-qancinta iyo ka wada shaqaynta danaha caamka ah  ee dalka jamhuuriyadda Somaliland.
Wasiir-ku-xigeenku waxa  uu  sheegay in ictiraaf  ay Jamhuuriyadda Somaliland ka hesho beesha caalamka uu noqon lahaa mid wax weyn ka tara horumar buuxa iyo isku filaansho ay dadka reer Somaliland gaadhaan, isla markaana dan iyo maslaxadi ugu jirto deganaanshaha mandaqadda iyo horumarka gobolka guud ahaan.
 
 
Kulankaasi waxaa   Wasiir-ku-xigeenka   ku wehelinayay  Safiirka Somaliland u fadhiya wadanka Belgium  Maxamed Cabdi Dacar,  halka dhinaca kale agaasimaha Afrika ee Baarlamaanka Yurub ay la socdeen   madaxda kala ah Dilarde Teilane oo qaabilsan Geeska  iyo Bariga Afrika iyo Pauline Torehall oo qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply