Guddoomiye Baashe Oo Rajo Ka Muujiyay Furdaaminta Khilaafka Ka Dhashay Dib u dhacii Doorashooyinka

0
351

Hargeysa (Dawan)  – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada Somaliland Md. Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay in marka la gaadho 26 June aanay wax dhibaato ahi dalka ka dhacayn, waxaanu tilmaamay in khilaafka ka dhashay heshiiska xisbiyada qaranku ka gaadheen dib u dhaca doorashooyinka ee Guurtidu qaadacday lagu xalinayo wadatashiga soo jireenka ah ee ay Somaliland ku soo caana maashay.
Baashe Maxamed Faarax oo shalay warbaahinta kula hadlay xarunta baarlamaanka waxa kale oo soo dhaweeyay heshiiskii nabadda ee lagu gaadhay deegaanka Coodanlle ee Buuhoodle. “Khilaafkan jira waxa weeyaan mid aynu dhaqan u leenahay in aynu xalino, mar kasta oo wax dhacaanna waxaynu ku dhammaysanaa sida dhaqankeenna soo jireenku ahaa,  wax cusubna maaha waana wax iska dhammaan doona Haddii ALLE yidhaahdo,markaa wax khilaaf ah oo weyn oo ka dhalan doonaa ma jiraan, 26 June wax  waxba dhici mayaan. Dalkuna waa dal curdin ah oo waa la wada leeyahay Nin kastaana wuu u naxayaa markaa khilaafkuna wuu iska soo af-jarmi doonaa oo dhic  uun buu u dhici doonaa INSHA ALLAH,” Ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.
Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Golaha Wakiilada waxa uu sheegay inay  bogaadinyaan heshiiska nabadda ee lagu gaadhay deegaanka Coodanle, waxaanu yidhi “Arrintaa aad baan ugu faraxsanahay, waxa weeyaan dad walaalo ah oo wada degan oo xidid iyo qaraabo wax kasta wada ah, ILAAHAY baana dhulka ku wada abuuray,  mana kala guuri karaan markaa arrinkaas nabadaa odayaashaasi dhammeeyeen in ILAAHAY sidaa ugu sii wado oo nabad ku wada noolaadaan ayaanu ku faraxsanahay, waanan ku faraxsanahay heshiiskaa dhacay oo muddo soo jiitamayay mar kastana waxa fiican in loo daayo dhaqanka, waayo dhaqanku waxay yaqaanaan sidii loo kala bixi lahaa markaa aad baanu u soo dhaweynaynaa. ILAAHAYNA waxaan ka baryayaa inay noqoto mid  waarta oo sidaa ku  socota.” Sidoo kale Md. Baashe Maxamed Faarax oo warbaahintu weydiisay in Madaxweynuhu Imaaraadka u tagay heshiiska maalgashiga Dekeda Berbera, waxa uu ku jawaabay “Anigu ma maqal Madaxweynahaa heshiis dekadda ku saabsan soo gelaya. Madaxweynuhu Dekeda uma tegin ee mashaariic kale ayuu u tagay, haddii la soo galana dee marka uu soo galo waanu weydiin doonaa, laakiin Madaxweynuhu uma tegin wax Dekeda ah oo uu soo gelayo. Markay dhammaato sharciyadu waxa ka wad ahadlaya dawlada iyo baarlamaanka haddii ay dhacdo.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply