Hargeysa (Dawan): Afhayeenka Golaha Guurtida ee Somaliland Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa maamulka Puntland uga digay inay ku kacaan qorshe ay ku soo faragelinayaan xuduudaha Somaliland. waxaanu tilmaamay in ciidamada qaranka Somaliland ay awood u leeyihiin inay wakhti kooban ku qabsan karaan Puntland.
Waxaanu xildhibaan Indho-indho ku eedeeyay in Soomaaliya ay dabada ka wado hindisaha ay Puntland ku damacsan tahay in ay soo faro-geliyaan xuduudaha Somaliland. waxaanu tilmaamay in Xukuumadda Somaliland iyo shacabigeeduba awood u leeyihiin inay difaacdaan qaranimadooda.
“ Inay Puntland dhibaato kale soo doontaan ma aha, iyagoo toodiiba la il daran. ma fiicna baanu leenahay waxaad samaynaysaan iyo hanjabaadaha aad ku hadlaysaan oo waad arkaysaan magaalooyinkiina waxa habeen iyo maalinba ka dhacaya. Somaliland-na idinkay idin ilaalisaa oo ciidanka Gabadha iyo Tukaraq joogaa wax badan oo guddahooda ka dhici lahaa ayay baqdin iyaga lagaga baqayo aanay u dhacaynin. Haddii ay se isku dayaan inay Somaliland oo farageliyaan, Somaliland waxay awood u leedahay saddexda magaalo ee ugu waaweyn Puntland inay qabsato.
Marka a waxaan leeyahay nabaddu idinkay idiin fiican tahay, Somaliland nabadd bay ku caano maashay, ee iska daaya faragelinta aad soo faragelinaysaan haddii aad se dayn weydaan ciidanka qaranku awood buu u leeyahay in saddexdooda magaalo saacad guddaheed uu ku qabsado, iyagoo halkaa fadhiya. Waxaan leeyahay ka waantooba dhibaatada aad dalkayaga la soo doonanaysaan,ayaanay noqonin mid geeska Afrika saamaysa, oo ayaanay noqonin mid magaalooyinkiina idinka oo halkaa tuban dib la idiinka qabsado oo idiin ma fiican baan leeyahay iska daaya. waxaanan qabaa inay cid kale dabada ka soo wado, taasina Puntland way la xumaan doontaa.” Ayuu yidhi xildhibaan Indho-indho
Waxa kale oo uu sheegay in Soomaaliya iyo Puntland oo dhibaatooyin kala duwan la deris ah ay dhibaato la soo doonanayaan xuduudaha Somaliland. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa dabada ka soo wadaa waa gaalo iyo dadkaa Somaaliya jooga ee iyagiiba maanta burbursan oo Gaalkacayo ku heshiin la’ Puntland iyo Somaaliya oo isku dawakhay.
Dhibaatadaa inay ku qariyaan doonaya oo dhibaatada Gaalkacayo ka jirta inay Somaliland la soo doontaan bay ujeedadoodu tahay, Ninmanka taageerayaana wey kula socdaan oo ciidamay baryahan ba abaabulayeen, laakiin Somaliland ciidankeeda iyo shacabigeedu wey ku filan yihiin inay xuduudahooda difaacdaan.”
Dhinaca kale Afhayeenka golaha Guurtidu waxa uu ka hadlay go’aankii ay dhawaan golaha Guurtidu ka qaateen arrintii muddo kordhinta, waxaanu sheegay in go’aankii ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Xukuumadda uu yahay mid Distoori ah, Waxaanu yidhi “Go’aankaasi waa Distoori, waa sharci cid ku dhacdaana inay tidhaahdo wax baanu ka daba dhoobdhoobnay oo kuwa ka daba qaylinaya iyo kuwa halkaa ciidamada ka abaabulayaa waa isku nooc, waa Niman Distoorkoodii weeraraya, waa Niman awoodii Golaha doonaya inay qaataan, waa Niman aan xaq u lahayn oo aan waxba ka qaadayn.Heshiis xaaraan ahi go’aan xalaal ah wuxuu yeelayaa ma jirto, go’aankayagaa horeeyay oo anagu ma nihin gole intay rag meel fadhiistaan wax ka daba qorqoraan Distooriyan iyo dhaqan ahaan midna.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office