Afhayeenka Guurtida Oo Bayaamiyay Cawaaqibka Puntland Mudan Doonto Haddii ay Faro-geliso Xuduudaha Mucayinka ah Ee Somaliland

0
360

Hargeysa (Dawan): Afhayeenka  Golaha Guurtida  ee Somaliland  Xildhibaan Cabdiqaadir Maxamed Xasan (Indho-indho), ayaa maamulka Puntland uga digay inay ku kacaan  qorshe ay ku soo faragelinayaan xuduudaha Somaliland.  waxaanu  tilmaamay   in ciidamada qaranka  Somaliland ay  awood u leeyihiin inay wakhti kooban ku qabsan karaan  Puntland.
Waxaanu   xildhibaan Indho-indho ku eedeeyay  in  Soomaaliya ay dabada ka wado hindisaha ay Puntland ku damacsan tahay  in ay soo faro-geliyaan xuduudaha Somaliland. waxaanu tilmaamay in Xukuumadda Somaliland iyo shacabigeeduba  awood u leeyihiin inay difaacdaan qaranimadooda.
 
“ Inay  Puntland  dhibaato kale soo doontaan ma aha,  iyagoo  toodiiba  la il daran.   ma fiicna baanu  leenahay waxaad samaynaysaan iyo hanjabaadaha aad ku hadlaysaan oo waad arkaysaan magaalooyinkiina waxa habeen iyo maalinba ka dhacaya.  Somaliland-na idinkay idin ilaalisaa oo ciidanka Gabadha iyo Tukaraq joogaa  wax badan oo guddahooda ka dhici lahaa ayay  baqdin iyaga lagaga baqayo aanay u dhacaynin.   Haddii ay se isku dayaan inay Somaliland oo farageliyaan, Somaliland waxay awood u leedahay  saddexda magaalo ee ugu waaweyn Puntland  inay qabsato.
 
Marka a waxaan leeyahay nabaddu idinkay idiin fiican tahay, Somaliland nabadd bay ku caano maashay,  ee  iska daaya faragelinta aad soo faragelinaysaan haddii aad se dayn weydaan ciidanka qaranku awood buu u leeyahay in saddexdooda magaalo saacad guddaheed  uu ku qabsado,  iyagoo halkaa fadhiya. Waxaan leeyahay ka waantooba dhibaatada aad dalkayaga la soo doonanaysaan,ayaanay  noqonin mid geeska Afrika saamaysa, oo ayaanay  noqonin mid magaalooyinkiina idinka oo halkaa tuban dib la idiinka qabsado oo idiin ma fiican baan leeyahay iska daaya.  waxaanan qabaa inay cid kale dabada ka soo wado,  taasina Puntland way  la xumaan doontaa.” Ayuu yidhi  xildhibaan Indho-indho
 
Waxa kale oo  uu sheegay in Soomaaliya iyo Puntland oo dhibaatooyin kala duwan la deris ah ay dhibaato la soo doonanayaan xuduudaha Somaliland. Isagoo arrimahaasi ka hadlayayna  waxa uu yidhi “Waxa dabada ka soo wadaa waa gaalo iyo dadkaa Somaaliya jooga ee iyagiiba maanta burbursan oo Gaalkacayo ku heshiin la’ Puntland iyo Somaaliya oo isku dawakhay.
 
Dhibaatadaa  inay ku qariyaan doonaya oo dhibaatada Gaalkacayo ka jirta inay Somaliland la soo doontaan bay ujeedadoodu tahay, Ninmanka taageerayaana wey kula socdaan oo ciidamay baryahan ba abaabulayeen, laakiin Somaliland ciidankeeda iyo shacabigeedu wey ku filan yihiin inay xuduudahooda difaacdaan.”
 
Dhinaca  kale Afhayeenka  golaha Guurtidu waxa uu ka hadlay  go’aankii ay dhawaan golaha Guurtidu ka qaateen arrintii muddo kordhinta, waxaanu sheegay  in go’aankii ay muddo xileedka ugu kordhiyeen Xukuumadda uu yahay mid Distoori ah, Waxaanu  yidhi  “Go’aankaasi waa Distoori, waa sharci cid ku dhacdaana inay tidhaahdo wax baanu ka daba dhoobdhoobnay oo kuwa ka daba qaylinaya iyo kuwa halkaa ciidamada ka abaabulayaa waa isku nooc, waa Niman Distoorkoodii weeraraya, waa Niman awoodii Golaha doonaya inay qaataan, waa Niman aan xaq u lahayn oo aan waxba ka qaadayn.Heshiis xaaraan ahi go’aan xalaal ah wuxuu yeelayaa ma jirto, go’aankayagaa horeeyay oo anagu ma nihin gole intay rag meel fadhiistaan wax ka daba qorqoraan Distooriyan iyo dhaqan ahaan midna.”
By. Khaalid Xabsi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply