‘Baanka Waxa Aanu Isla Qirnay Dhibaatooyinka Ka Taagan Zaad-ka Iyo E-Dahab’

0
341

Hargeysa (Dawan)- Guddida joogtada ah ee Golaha Wakiilladda Jamhuuriyada Somaliland ayaa shalay kulan xog waraysi ah oo ku saabsan sharciyadda lacagaha Telefoonadda laga xawilo  la yeeshay Guddoomiyaha Baanka dhexe  Mudane Cabdillaahi Xaaji Jaamac Cali.
Guddoomiye ku xigeenka gudida joogtadda ah ee Golaha Wakiiladda Axmed Ducaale Bulaalle oo kulankaasi ka dib la hadlay wargeyska DAWAN, ayaa waxa uu sheegay in guddoomiyaha baanka ay ka wada hadleen sicir bararka dalka ka taagan iyo dhibaatooyinka ay umadda ku hayaan lacagaha loo isticmaalo mobile Money ee Zaadka iyo E-Dahab-ka oo saamayn ku yeeshay nolosha dadka.
“Waxaanu la kulanay guddoomiyihii baanka dhexe annagoo ah gudidii joogtadda ee Golaha Wakiiladda, waxyaabaha aanu ka waraysanay waxa ka mid ahayd  sicir bararka dalka ka jira iyo sida ay wax uga qabanayaan, wax kale oo aanu ka waraysanay dhibaatooyinka E-Dahab iyo Zaadka ka taagan, arrimahaas ayaan ka waraysanay waxaana uu noo sheegay in ay dadaalo badan ugu jiraan sidii sicir bararka ay u yarayn  lahayeen oo kulamo u socdaan nimanka ganacsatada ah ee waawayn, haddii ay xawaaladaha tahay iyo shirkaddaha isticmaala Zaadka iyo E-Dahab iyo haddii ay tahay ganacsada adhiilayaasha ah oo ay ka wada shaqaynayaan sidii sicir bararka loola dagaalami lahaa,”ayuu yidhi Xildhibaan Axmed Ducaalle.
 
Xildhibaan Ducaalle  waxa uu intaas raaciyay “Waxa kale oo uu noo sheegay in baanku wixii itaalkiisa ah tallaabsanayo, markii aanu waydiinay waxaad arrimahaa wax uga qaban waydeen waxaanu isla qirnay dhibaatooyinka ay leeyihiin lacagahan la isticmaalayo ee Zaadka iyo E-Dahab.”
 
Xildhibaan Axmed Ducaalle  oo wax laga waydiiyay in Guddoomiyaha baanka ay ka wada hadleen sicir bararka dalka ka taagan ee ay sababeen lacagaha hawada laysugu diro ee sharci darrada ah iyo sidii ay ku kaantarooli lahaayeen, waxaana uu ku jawaabay “Su’aalihii aanu waydiinay ka mid bay ahayd in ay og yihiin cadadka Zaadka iyo E-Dahab ay isticmaalaan, waxa uu noo sheegay in imika ay wadaan daraasad ay doonayaan in ay arrintaas wax kaga ogaadaan.”
“Guddoomiyaha Baanku waxa kale oo uu ka hadlay lacagaha dibada laga soo diro ee elegtarooniga ah oo ay gacanta ku hayaan oo ay wadaan shuruuc arrimahaa ku saabsan, Zaadka iyo E-Dahabkana daraasad ku wadaan oo ay doonayaan in laysla qaato dadka damaanadiisii sidii loo samayn lahaa,”  ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Guddi Hoosaadka Joogtadda ee Wakiiladdu..
Waxa kale oo la waydiiyay in baanku ku hawlan yahay sidii damaanad loogu heli lalhaa ummadda isticmaasha Zaadka iyo E-Dahab waxaanu yidhi “Waxa uu noo sheegay guddoomiyaha baanku inay wadaan waxyaalahaa shuruucdoodii inay helaan sida ay u shaqaynayaan sharciyadoodii Zaadka iyo E-Dahab oo ay ka dalbadeen shrikaddaha oo qaarna u keeneen shirkadaha qaarna soo wadaan ayuu noo sheegay.”
By: Khaddar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply