40 Jeer Ayay Maalintii U Baahantay Inay Seexato

0
362

Lucy Tong oo 18 jir ah oo u dhaltay dalka Ingriiska ayaa ka cabanaysa xanuun dhif  ah oo ku cusub dalka Ingriiska.
Gabadhan ayaa maalinti u baahan inay seexato 40 jeer, iyadoo markii ay waxyar shaqaysoba ay lulo xoog lihi qabanayso, taasi oo ku khasbaysa inay wax kasta joojiso oo seexato.
Gabadhan ayaa sheegtay in labadii sano ee danbeeyay ay ku jirtay xaalad adag iyadoo ka hadhay  tacliinteeda jaamacadda xanuunkan awgeed. Lucy ayaa lagu daray 80 xaaladood oo dawladu dadka qaba ka cawiso.  Xaaladahan aya la sheegay inay  keenaan xanuuno laga qaado durayga Doofkaarka.   Waxa kale oo la diyaarinayaa talaal ay dawladdu ugu talo gashay xanuunad qaarkood , waxase ay dawladdu aanay ogolayn in dhamaan xaaladan la wada caawiyo.

Leave a Reply