Buugga ay qoreen Karl Marx iyo Frederick Englis ee lagu magacaabo Warka Shuuciyadda ayaa noqday kii afkaartiisu ugu faafidda badnayd qarnigii labaatanaad. Qarnigaasi buuggan ayaa sababay inay dunida ka dhacaan afgembiyo kacaano lagu sameeyay kuwaasi oo sheegaya inay bulshooyinka ka xoraynayaan hantigoosadka keligii noolaha ah, ee dadka adoonsada.
Karl Marx asaasaha fikaradda shuuciyadda fashilantay ayaa aaminsana in wax kasta dawladdu yeelato oo aanu qofka xaq u lahayn lahaansho gaar ahaaneed laakiin uu ka mid yahay bulshada dawladu kafaalo qaadatay. Waxaaa barnaamijka buuga ku qoran si buuxda u hirgeliyay Midowgii Soofiyeetka ee burburay iyo dawlado kale oo dunida ah laakiin dhamaantood waxay ku dembeeyeen fashil. Sidaasi ayuu u noqday buug mar can baxay laakiin fashil ku danbeeyay markii siyaasadii ku qorayd la tijaabiyay oo ay ka socon weyday dunida. Maanta buugani wuxu ku daadsan yahay Maktabdo badan iyadoo cidi is weydiin nuxurkiisa oo si rasmi loo soo dhaqan geliyay ka diban lagu fashilmay