Soonka Janada Ayaa Lagu Galaa

0
393

Sida uu weriyay saxaabiga Abuu Umaama (Rc) ayaa ku yidhi waxaad i tustaa camal aan janada ku galo. Rasuulka Allah (scw) wuxu yidhi : Soon, oo ka adkow, wax isaga la mid ahi ma jiree”.
 
Soonku waa gaashaan Naarta la iska xigsiiyo: Rasuulka (scw) ayaa yidhi: “Soonka waa gaashaan uu addoonku iska xigsiiyo Naarta”.
Soonku wuxuu kala dhex galaa addoonka sooman iyo Naarta, sidoo kale wuxuu ka hor istaagayaa waxyaabaha naftu jeceshahay oo Naarta darbigeeda ah.
Naarta waxaa ood looga dhigay waxyaabaha naftu ay jeceshahay, ee uu fudud inay ku dhaqaaqdo, sida waajibaadka oo laga tago iyo xaaraanta oo la iska dabaasho.
Jannadana wax ku xeeran waxa ay naftu dhibsato. soonkuna wuxuu nafta ka gooyaa waxyaabaha ay marka hore jeceshahay, oo loo yaqaan “Shahawaadka”, oo ay marka danbe ka qoomamooto.
Soonka iyo Qur’aanku waxay u shafeeco qaadaan qofka sooman, oo Ilaaheey ayey uga ergeeyaan iyadoo soonku leeyahay: Allahayow waxaan anigu u diiday raashinkiisii iwm, ee shafeeca qaadka aan u shafeeco qaadayo iga aqbal. Qur’aankuna uu leeyahay: Ilaahayoow waxaan u diiday hurdadiisii oo aniga akhriskayga ayuu ku soo jeeday, markaa ayaa Allah (sw) shafeecadooda aqbalayaa oo Jannadiisa galinayaa.
 
 

Leave a Reply