Bisha Ramadaan Fursad Weyn Ayay U Tahay Dhalinyarradda

0
366

Dhalinyarro adigu maxaad ugu tala gashay naftaada bisha Ramadaan? Waa bil khayr badan lana furo albaabada janada oo lana xidho kuwa naarta  shayaadintana silsilado lagu xidho illaahayna adoomadiisa wanaagsan naarta ka xoreeyo.
 
 
 
Ma  go’aansatay in aad toobad keento, ma niyeysatay in aad ka takhalusto ama aad faraha kala baxdo dhamaan xumaanta si uu illaahay kugu furo xaashi cusub, ma diyaarsatay barnaamijkaagi cibaadada ee maalinlaha ahaa inta bisha ramadaan, maxaase aad ku qaabilaysaa ayaamaheeda iyo habeenadeeda, in su’aalaha jawaabo dhab ah loo helo waa lagama maarmaan naftana si dhab ah loogu qanciyo si aanay bisha ramadaan  nooga bixin inagoo bilaa cibaado ah.
Ka Bilow Toobada: Walaal waxa aan kugu waaninayaa in aad ka bilawdo toobadda, toobadu waa bilawga iyo dhamaadka dariiqa toosan waana halka ay ka bilaabayn safarkooga adoomada illaahay (SWT),  u soo noqonaya, toobadu maaha mid looga baahan yahay ama ku waajib ah dadka illaahay caasiyay ee laakiin waa mid qof kasta oo islaam ah looga baahan yahay Rasuulkeeni suubana (CSW) oo dadka ugu khayrka badnaa waxa uu yidhi (Dadow illaahay u toobad keena anigu maalintii waxa aan toobad keena 100 jeer) sidaa laajigeed ayuu illaahay (SW) uu amray adoomadiisu in ay toobad keenan.
 
Ahmiyada Wakhtiga: Dhalinyaro marka aad ka murugoodto waxa kaa tagay ee aad khilaafto xumaanta, mustaqbalkana in aad xumaaangasho ay suura geltahay, waxa kuguu waajib ah in aad garato ahmiyada wakhtigu leeyahay, wakhtiga imika aad haysata waxa uu u dhaxeeya wakhtigii kaa tagay iyo ka soo socda, hadaba hadii aad dayacdo imika waxa aad dayacday wanaag iyo liibaan wixii aad heli lahayd hadii aad laakiin xafido oo aad ka faa’iidaysato wakhtigaaga waad liibaanaysaa, ibnu Qiyam waxa uu yidhi:- Waxa aan arkay dadkoo wakhtigooga aad u dayacaya habeen oo dhana hadal aan faa’iido lahayn ama akhrinayaa sheekooyin lagu soo jeedo, maalin oo dhana hurdaya.
 
Muuqaalka Dadaalka: waa bishii danbi dhaafka liibaanta iyo janada iyo naarta oo laga xoreeyo cida qalbigoogu saafiga yahay jisadkooguna toosan yahay ee wakhtigooga ku dayicin waxa dhib u keenaya, walaal waxa ku tilaamayaa wax ayaabaha kaa caawin kara in aad ka faa’iidaysto bishan oo aad ku buuxiso camalada waanaagsan.
 

  1. Soonku waa cibaado ee maaha caado Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (Qofka sooma isagoo rumaysan waxa illaahay u balan qaaday kuwa sooman, illaahayna ka rajaynaya abaal marintaa waa laga dhaafa wixii danbi hore uu galay) isagoo ku doonayn magaca iyo maamus ama maal iyo waji ee illaahay dartii u qabanaya wuxuu uu qabanayo.

 

  1. Ramadaantu waa nimco ay nagu waajib tahay in aan illaahay (SW) aan ku mahadino dhalinyaro, waxa jira kuwa badan oo moodku haleelay intaanay bisha ramadaan soo gaadhin oo camalkoogi joogsaday xaashidoodina la laabay oo karayn in ay la yimaadan xasanaad kaliya wanaagna aan fari Karin haba yaraadee, dhalinyaro hadii uu illaahay nagu simay cimrigeena bisha barakaysan, illaahayna ina garansiiyey in aynu la nimaadno camalo wanaagsan waa nimco wayn oo waajib ay nagu tahay in aynu illaahay ku mahadinaa illaahay ayaa mahadle.

 

  1. Hurdada iyo soo jeedka dhalinyaro hadaad maalintii ku dhamaysato hurdo habeenkiina aad ku dhamaysato dheel dheel iyo soo jeed waxa naftaada aad ka manciday ajar wayn bisha ramadaana waxay kaa baxaysaa adiga faro madhan, waa ayaamo tirsan iyo habeeno markhaati ah, aynu ku dadaalno illaahay adeecidiisa iyo cibaadadiisa si aynu beri ugu liibano macaanka iyo nimcooyinka illaahay, waxaad iska ilaalisaa bisha ramadaan in ay ku dhaafto adigoo iska war ahayn.

 

  1. Quraanka iyo akhriskiisa bisha ramadaan waa bishii quraanka dadkii hore ee wanaagsana marka ay soo gasho bisha ramadaan waxay ku dadaali jireen quraanka akhriskiisa oo ay ka horaysiin jireen cibaado kasta ilaa qaar ka mid ah laga soo wariyey in habeen kasta quraanka dhamayn jireen, hadaba aynu ku dadaalno quraanka iyo akhriskiisa bisha ramadaan inagoo u akhrinayna si degan oo qushuuc leh macnayaasha uu xamarsan yahayna u fiirsanayna in aynu dhuuxno axkaamta akhriska quraankana intaynu kari karno.

 

  1. Sadaqada bisha ramadaan waxay leedahay fadli badan oo ayna lahayn bilaha kale markaa waxa kula gudboon in aad ku dadaasho wax bixinta oo ay ka mid tahay afurinta kuwa sooman iyo wixii la mid ah.

 

  1. Afurinta dadka sooman, ku dadaal in aad afuriso kuwa sooman oo aad wax siiso masaakinta iyo foqarada Nabigu (CSW) waxa uu yidhi (Ninka afuriyay qof sooman illaahay waxa uu siiya ajarkiisa oo kale).

Leave a Reply