Wasiirro Furay Mashaariic Laga Hirgeliyay Magaaladda Tog-wajaalle

0
304

Wajaale (Dawan):  Xubno ka tirsan golaha Wasiirrad ee xukuumadda Somaliland ayaa shalay si wada jir ah dhiga uga jaray mashaariic kala duwan oo laga hirgeliyay magaaladda Tog-wajaale ee gobolka Gabiley.
Weftigaasi   Wasiirradda  ah oo uu hogaaminayay  wasiirka Maaliyadda   Marwo Samsam Cabdi Aadan, oo ay ka mid ahaayeen wasiirrada   caafimaadka, Wershadaha, Ganacsiga iyo maalgashiga Beeraha, iyo   wasiirul dawlaha wasaarada waxbarashada  iyo masuuliyiin kale waxay  xadhiga  ka jareen mashaariicdaasi oo ay maalgelisay xukuumaddu gaar ahaana wasaaradda maaliyadu.
Mashaariicdaasi oo  isugu jiray garoon kubbadda cagta oo loogu magic daray madaxweyne Siilaanyo (Siilaanyo Stadium), Kawaan lagu qalayo xoolaha, cusbitaal casri ah, kaasi oo noqonaya kii ugu horeeyay oo laga hirgeliyo magaaladda Wajaale, iyo mashaariic dhinaca waxbarashadda ah, kuwaasi oo sida la sheegay hirgelintoodda ay iska kaashadeen xukuumadda iyo maamulka cusub ee degmadda Wajaale.
Wasiirka maaliyada   Samsam Cabdi Aadan, oo hadal ka jeedisay munaasibadii ay xadhiga kaga jarayeen mashaariicdaasi ayaa dhalinyaradda ku dhaqan magaaladda Wajaale waxay ku amaantay sidii ay uga soo qayb qaateen hirgelinta dhismaha garoonka Kubbadda cagta ee loo dhisay.
“Waxaan si gaar ah ugu mahad naqayaa  dhalinyarada deggmadan Tog-wajaale oo  iyaga oo aan lacag haysan garoonkan ku dagaalamay,  ee iyaga oo aan lacag u haynin  dhagaxii soo dhigay,  awadoodna loo dhisi waayay.  markaa ILLAAHAY baa  qadaray in aanu anagu dhisno oo garoonkiina uu sidaas ku dhamaado. quruxdiisa iyo wanaagiisa iyo inuu noqdo garoon ay ku  ciyaari karaan dhalinyaradu  dhab ahaantiina ILLAAHAY baa inala qabtay,  ILLAAHAY baa waxan inala wada qabanaya ee Ma aha wax aan inagu qaban karo”ayay tidhi wasiirku.
Waxa kale oo ay wasiir Samsan ka warantay sida ay muhiimka u tahay in mar walba ay bulshadu isku tashadaan, isla markaana wax kasta oo ay damcaan in ay sameeyaan uu u hirgelayo. Waxaanay tidhi  “Marka aynu inagu isku kalsoonaano ILLAAHAY ku kalsoonaano,  ee aynu madaxdeena ku kalsoonaano,  wax walba waa ay inoo hagaagayaan.  Wajaale-na waa goob mutaysatay in intan iyo inka badanba   loo qabto,  waayo dhaqaale  ayaa wadanka ka soo gala”.
Wasiirka caafimaadka Dr.  Xaglo-toosiye,  oo isna madashaasi  ka hadlay ayaa sheegay in cusbitaalkaasi ay xukuumadu dhistay, isla markaana la qalabaynayo. Isagoo xusay in ay sidoo kale shaqaalaha ka hawl-gelayana si dhakhso ah mushaharka loogu bilaabayo.
“Cusbitaalka waanu dhisnay waana la qalabeeyay,  shaqaalihii waanu keenay   mushaharkiina  si dhakhso ah ayaanu ugu bilaabaynaa ,wixii awoodayada ahna waanu keenay dhakhtarka kuwa kalana waanu soo kordhin doonaa” ayu yidhi Dr. Saleebaan.
Waxa kale oo isna halkaasi hadal ka jeediyay Wasiirka   Maxamad Aw-Daahir Ibraahim,  ayaa isna dhiniciisa waxa uu soo dhaweeyay mashaariicdan kala duwan ee laga hirgeliyay Wajaale, kuwaasi oo uu tilmaamay in ay yihiin qaar si weyn loogu baahnaa, isla markaana wax badan ka taraya baahidii markii hore loo qabay.
 
Gudoomiyaha magaaladda Wajaale Eng. Aadan Shiinne oo isna xafladaasi ka hadlay ayaa ku tilmaamay mashaariicda laga hirgeliyay Wajaale in ay yihiin kuwo ka turjumaya waxqabadka xukuumadda.Waxaanu yidhi “Waa wax aan  la dafiri Karin markii xukuumadihii hore ay haysteen iyo maanta oo uu Siilaanyo qabsaday  sida ay tahay Degmadda Tog-wajaale”.
 
Dhinaca kale dadweynaha ku dhaqan magaaladda Wajaale ayaa si weyn u soo dhaweeyay mashaariicdan laga hirgeliyay magaaladoodda, waxaanay ku tilmaameen in mashaariicdani ay yihiin kuwo meel weyn ka geli doona taariikhda xukuumadda taladda dalka haysa.
By : Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply