Yaa Hindisay Jidh Dilkii Naxaasta ahaa Ee Giriigga?

0
307

Qaabkii naxariis darada ah ee jidh dilka ay ku samayn jireen Girigii hore waxa hindisay  ninkii la odhan jiray Brelios. Habkan ayaa ahaa qalab guri oo kale ah oo gebi ahaantiis laga sameeyay Naxaas, iyadoo loo sameeyay meel yar oo dalool ah oo laga gelayo qofka la dilayo, ka dibna lagu xidho daboolka, waxaana  hoosta lagaga shidaa dab, iyadoo ku qofka lagu deyanyo ilaa inta uu ka dhimanayo. Brelios ayaa markii uu hindisay mishiinkan u geeyay boqorka Giriigga  ee waagaasi.
Nasiib daro boqorka ayaa ciidankiisa ku yidhi halagu tijaabiyo Brelios sida loo ogaado waxyeelada uu u geysanayo qofka lagu ciqaabayo. Amarkaasi ayaa la fuliyay oo lagu riday Brelios ka dabna dabkii lagu shiday, aad ayuu u xanuunsaday Brelios laakiin isagoo aan dhiman ayuu boqorku amray in laga saaro. Laakiin mar danbe ayuu haddana boqorku amray in la dilo, sidaasi ayaanu ku dhintay.

Leave a Reply