Indho Xanuunka – Q1aad

0
2163

Laxaadka indhuhu wuxuu ka kooban yahay kubada isha iyo wixii soo raaca ee xidido dareen iyo kuwa dhiig intaba leh,waxayna xidhiidh wadaagaan saldhiga araga ee maskaxda ku yaal.
Wixii khalkhal ku yimaada goobahaas ayaa loo yaqaanaa xanuun,waxaana isha binu aadamka lagu tilmaamaa mucjiso sideeda uga wayn cilmiga maanta yaala aduunka taasi oo dhawaan dhakhaatiir faransiis ah iyo kuwa lubnaaniyiin ahi ogaadeen in qayb maskaxda ka mid ahi timaado isha.
Ujeeda aan qormadeenan caafimaad uga dan leenahay waa in aynu la socono daryeelka guud ee indhaheenu inaga mudan yihiin iyo sida ay waajibka u tahay ilaalintoodu.
Indho xanuunku waa cudur maalin walba haya bulsho kasta oo dunida daafaheeda ku nool,waxaanay u bukoodaan dhawr nooc oo ay ugu caansantahay diciif xaga araga ah,sidoo kale iyadna waxaa jirta in loo qaybiyo cudurada indhaha laba qaybood oo waawayn sida indho beel iyo indho xanuun.
Marka aynu kasoo bilawno indhaha abuurkooda waxaa dhaqaatiirta takhasuska uleh siqiirka caloosha hooyadii ku jira ay sheegaan in indhuhu sadex marxaladood soo maraan,sedexdaas marxaladod waxay laba kusoo dhamaystaan caloosha hooyada,midna waxay ku dhamaystaan marka ay dibada usoo dhashaan.
Labada shay ee ay caloosha hooyada kusoo dhamaystaan waxaa kamid ah dhamaystiranka xubnaha ay ishu ka kooban tahay, iyo tan kabaad oo ah dhaqdhaqaaqa nololeed ee isha,marxaladan sadexaad ee indhuhu maraan waxaa weeyi, sidii ay isha iyo maskaxdu u wada hawl gali lahaayeen,xataa dareemayaasha kale ee qofka marka lagu daro weeyi,sida maqalka,urta iyo dareenka.
Cudurada ay idhuhu qaadaan marka uu qofku caloosha hooyadii ku jiro waxaa badankooda loo aaneeyaa inay xaga tafiirta ka yimaadaan,sidoo kale waxaa lagasoo qiyaas qaataa caafimaadka guud ee hooyada kolba sida uu yahay,waayo taasi waxay aad ugu lug leedahay sida uu noqonayo ilmaha caloosheeda ku jira caafimaadkiisu.
Hadii aan tusaale kuusoo qaado waxaa hooyooyinka uurka lihi ay had iyo jeer qabaan cuncun ku dhaca macdantooda xubnaha taranka khaasatan bilaha ugu horeeya uurka iyo bilaha ugu danbeeya ee waqtiga dhalashada oo uu sii xoogaysto infection ku.
taasi oo hadii si dhaqso ah hooyadu u dawayn waydo uu xanuunkani raad indho xanuun kaga tago ilmaha caloosha ku jira.
Sidoo kale waxaa isna indho xanuunka ay caruurtu lasoo dhalato keena marka hooyada uurka lihi ay yaraysato biyaha cad cabistooda ama sharabka,taasi oo horseeda in kalyuhu ay dareemaan biyo yaraan isla markaana ay qasin saaraan oo ay kaadida raaciyaan walxo gubtay oo qabsada gidaarka marinada qashin saarka kaadida yaraatay awgeed,isla goordhaw oo daqiiqada ahna isku badala noole jeermis ah oo u tarma si layaab leh oo dagdag ah,jeermiskaas oo aan u fiicnayn hooyada uurka leh ayaa sababa in ilmaha caloosha uurka hooyadii jiifaa lasoo dhasho indho ama dhago xanuun,khaasatan marka waliba ay hooyada uurka lihi dareento calool istaag xoog ah.
Lasoco Qormada danbe….
Xigasho: Qormooyin uu qoray Sh.Jaabir
 
 

Leave a Reply