Pakistan oo weli uu ka jiro kulayl dad badan laayay

0
306

Ugu yaraan 780 ayaa ku dhintay magaaladda Karachi . 30 qof oo kale ayaa iyagana lagu soo waramayaa inay ku dhinteen gobolka Sindh. Waxaana sidaasi sheegay telefishenka Pakistan.

Maalintii Talaadada ahayd ayaa heerkulka waxaa uu gaaray 45C. Ra’iisul wasaraaha dalkaasi Nawaz Sharif ayaa ku baaqay gargaar deg deg ah meleterigana waxay ka qayb qaadanayaan xarumo lagu daweeyo dadka uu kulaylku soo ritay.
Dadweynaha ayaa ka caraysan koronta la’aan jirta taasoo sababtay inay dadku isticmaali kari waayeen qaboojiyayaasha ama adhikudheeshinkanada.
Arimahani dhimashada kulaylka waxaa uga sii daraya dadka oo biyaha ka sooman bishan ramadhaan maalinkii oo dhan.
Inta badan xiliyada kulaylka kuma soo beegmo bisha ramadhaan. Balse koronto la’aanta waqtiga dheer jirtay ayaa xaalka uga sii daray oo sii xumeeyey.
Dibadbaxayaal caraysan ayaa isugu soo baxay dariiqyada magaaladda Karachi. Dadkana a guryahooda ayay joogaan oo dibada uma aysan bixin iyagoo ka cabsanaya kulaylka oo aad u sareeya.

Leave a Reply