Qisada: Cadaawadda Shaydaanka Ee Dadka

0
363

Salaadii Subax markii la eedaamay ayuu ka soo baxay guriga si uu masaajidka ugu soo tukado .Laakiin markii uu dhexda marayay ayuu kufay oo dharkii ka wasakhoobay.
Waxaana uu ku oqday guriga si uu usoo bedesho.Laakiin mar labaadkii ayuu haddana dhacay oo dharkii ka wasookhbay. Waxaana uu ku noqday guriga waana usoo bedeshay. Markii usoo baxay ayuu arkay nin Faynuus sida oo jidka u iftiiminaya. Waxaana uu ku yidhi maxaad ahayd? Waxa uu u sheegay inuu ka xumaaday labadii jeer ee aad dhacday oo aan ku arkayay. Markii uu masaajidka gaadhay ayuu ninkii galay masaajidka, waxaan uu ku yidhi soo gal ninkii Faynuuska u siday.
Laakiin wuxu ugu jawaabay shaydaan ayaan ahay oo ma gelayo, waxaana arinkan igu kelifya markii aad dhacday ee aad noqotay dembigaagi ayaa la dhaafay, markii labaadna dembigii dadka guriga kula degan ayaa la dhaafay. Markan saddexaad waxa loo denbi dhaafi  laha dadka xaafadda degan oo dhan taasi ayaan ka hortgeay.
 

Leave a Reply