Xanuunka Neef Qabadka Ama Xiiqda (Asthma)

0
811

Neef ama asma waa cudur ay marinnada hawadu ee gala sanbabadaadu ay cadhiidhi noqdaan ayna soo saaraan xab. Marka ay tani dhacdo, way adag tahay in aad neefsato. Waxyaabaha kicin kara neeftu in ay ku qabato waxaa ka mid ah xajiinta, fayraska hergebka, daawooyin, habaaska ama boodhka, kiimikooyin, jir dhis ama niyad kac.
Calaamadaha
Si ka xawaare dheereeeya caadiga u neefsasho ama dhibaato neefsashada ka timaadda
Xiiq ama neefsasho cod leh
Quficid laga yaabo in ay ka sii darto habeenkii ama aroorta hore
Feedhaha oo giigsanaan laga dareemo
Wadnaha oo xawaareynaya u garaacma
Madaxa oo oo balqan ama xab yeesha
Cune cun-cun, xoqid u baahan ama ku xanuuna
Daal in aad dareento
Haddii takhtarkaagu oo kugu amray in aad raacdo mitirka raacidda meesha ugu sarreysa, in aad isku aragto akhrinta mitirka meesha ugu sarreysa oo hoos u dhacda.
Waxaa laga yaabaa in aad calaamado badan oo neef ama asma aad qabto haddii aad:
Xajiin ama xasaasiyad qabto
Aad leedahay qof qoyska ka tirsan oo neef qaba
Aad u nugushahay wasaqowga hawada
Aad la kulanto qiiq
Aad diiqo qabto
Daryeelkaaga:
Daryeelkaaga waxaa ka mid noqon kara Qaadashada daawooyin kala duwan si:
Marinnada hawadu kuugu furmaan
Hoos ugu dhigaan jawaabta uu jidhku ka bixinayo xajiinta
Hoos u dhigaan bararka marinnadaada hawada
Hoos ugu dhigaan balqanka ama xabka
Si aad uga hortagto Neef in ay ku Qabato:
Daawada neefta mar walba wado. Qaado daawooyinka kuu qorsheysnaa xataa haddii calaamaduhu kaa tagaan.
Ka fogow cabidda sigaarka, shiishada ama qiiqa sigaarka.
Ka dheerow cuntooyinka, daawooyinka ama waxyaabaha kuu keenaya in calaamadaha neeftu kuu yimaadaan. Kuwaan waxaa loo yaqaannaa kiciyeyaal.
Ka fogow taabashada dadka hergebka ama ifilada qaba.
Naso oo cab cabitaanno fara badan marka ugu horreysa ee calaamado hergeb aad isku aragto.
Ku neefso afka-layska marsho ama wax kale oo la isku daboolo cimilada qaboobaha.
Takhtarkaaga kala hadal jir dhiska si aad u xoojiso sanbabadaada.
Diiqada iska yaree.

Leave a Reply