“Biyo La’aantu Way Jirtaa, Laakiin Waa La Buun-buuniyaa” Wasiirka Biyaha

0
278

Hargeysa (Dawan)- Wasiirka khayraadka biyaha Somaliland Mudane Baashe Cali Jaamac iyo agaasimaha guud ee wasaarada biyaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur, ayaa shalay dhagax-dhigay magaalada Arabsiyo ee gobolka Gabilay mashruuc biyo galineed.
 
Munaasibad loogu tallo-galay dhagax-dhiga mashruucan biyo gelinta loogu sameynayo magaaladda Arabsiyo oo lagu qabtay isla magaaladaas waxaa ka qayb galay maamulka gobolka Gabilay, iyo maamulka degmada Arabsiyo.
 
 
Wasiirka oo ugu horreyn ka hadlay munaasibadaasi ayaa waxaa uu yidhi ‘‘Waxaa manta (shalay) sharaf noo ah haddii aanu nahay xukuumadda Jamhuuriyada Somaliland gaar ahaan wasaarada kheyraadka biyaha inaanu halkan dhagax dhigno meeshii ugu horeysay ee uu beeb maro loona qaadayo biyaha  Arabsiyo. wasaaradu waxay masuul uga tahay xukuumadda iyo dawladda uu hogaaminaayo madaxweyne Axmad Maxamad Maxamuud Siilaanyo inay dadku helaan biyo nadiifa way jiraan biyo la’aantu meel walbana lama wada gaadhi karo, iyadana waanu ku soconaa laakiin waa la buun buuninayaa ,hase ahaatee waa ay jirtaa biya la’aan baahsani.”
 
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gabilay Cabdilaahi Cali  Case ayaa isaguna madashaasi ka hadlay, waxaa uu  yidhi ‘‘Farxad weyn ayay noo tahay in maanta la dhagax dhigo degmada Arabsiyo sidii biyo loogu samayn lahaa, la wado Wasiir Arabsiyo oo loo tiriyo dhul dooxyo u badan oo biyo leh haddana biyo ma leh waxa ceelasha lagu waraabiyo mooyaane kaa imika la qoday biyo uga soo horreeyaa ma jiro ‘’
 
Agaasimaha guud ee wasaarada biyaha Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa isaguna madasha ka hadlay  waxa uu yidhi ‘‘Waxaa dedaal weyn ka geystay sidii biyaha magaalada loo soo gaadhsiin lahaa dawladda Jamhuuriyda Somaliland ee uu gadh wadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo  haddii aanu nahay wasaarada waxaanu balan-qaadaynaa sida ugu dhakhsaha badan iyada oo ramadaan lagu jiro haddana inaanu gacanta saaro ‘’
 
Dhinaca kale, Wasiirka iyo Weftigii uu hogaaminaayay waxa ay kormeer ku tageen degmada Togwajaale oo iyana ay ka socoto mashruuc biyo gelineed, wasiirka waxa halkaa warbixin ku siiyay Cabdiwaaxid oo ah madaxa biyo gelinta Degmada Togwajaale waxaanu yidhi “tan iyo intii aynu xoriyada la soo noqonay iyo wixii ka horeeyayba magaaladan Togwajaale bilaa biyo ayay aheyd, maanta xukuumaddan imika tallada heysa waxay ku guuleysatay inay biyihii magaalada soo gaadhsiiso.”
 
By : Khadar M. Xaashi
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply