Golaha Degaanka Boorama Oo Shalay Sadqeeyay Maayarkii Hore, Hoggaan Cusubna Doortay

0
318

Boorama (Dawan)- Golaha Degaanka Degmada Boorama ee xarunta Gobolka Awdal, ayaa fadhi ay yeesheen shalay ku doortay maayar iyo maayar-ku-xigeen cusub, iyagoo xilka ka qaaday maayar Md. Saleebaan Xasan Xaddi, halka maayar-ku-xigeenkiisiina shaqada iska casilay. Fadhiga Golaha Degaanka Boorama oo ay ka qayb galeen 18 xildhibaan, isla markaana goob-joog ka ahaa Badhasaabka Gobolka Awdal Md. Maxamuud Cali Saleebaan (Ramaax), waxa laga hor akhriyey mooshinka xilka lagaga qaaday maayarkii hore iyo magacyada xildhibaannada saxeexay. Badhasaab Ramaax oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in mooshinka xilka lagaga qaaday maayarkii hore ee Boorama yahay mid la mariyey nidaamka sharciga ah, waxaannu yidhi; “Maanta (shalay) oo taariikhdu tahay 24 June 2015, ayna ahayd shantii maalmood ee ay ku soo wareegtay gobolka, wasaaradduna soo oggolaatay, si sharciya ayeyna uga soo wada qayb-galeen xildhibaanno tiradoodu tahay 18- xildhibaan. Maayarka waxa xilka ka qaaday 18 xildhibaan. Isaga iyo laba xildhibaan oo kale ayaa ka maqnaa fadhiga, waxaanan xaqiijinnay in mooshinkaas markii hore loo gudbiyey maayarka, taasna waannu hubinnay, waxayna Golaha Deegaanku u doorteen maayirka cusub Md. Maxamed Xuseen Maydhane oo helay 13 cod oo ka mid ah 18-ka xildhibaan ee ka xaadiray fadhiga.”
Badhasaab Ramaax,  ayaa sidoo kale sheegay inuu maayar-ku-xigeenkii hore xilka isaga casilay fadhiga shalay, waxaannu yidhi; “Waxa is-casilaad sameeyey guddoomiye-ku-xigeenkii hore, kaas oo si ilbaxnimo ah iyo maamul-wanaag iyo toosin ah uga qayb-qaadanayey hawsha lagu dooranayey hoggaanka cusub, iyadoo maayar-ku-xigeenka cusubna loo doortay Md. Cumar Ileeye Jimcaale, jagadaas oo ay u tartameen shan xubnood. Sidaa darteed, waxa halkaas ku xalaaloobay iyadoo garyaqaankiina fadhiyo, xildhibaannadiinna dhammaantood fadhiyaan in maayarka iyo maayar-ku-xigeenku saacaddaas laga bilaabo yihiin Maxamed Xuseen Maydhane iyo Cumar Ileeye Jimcaale.” Maayarka iyo maayar-ku-xigeenka cusub ee la doortay oo fadhigaas hadal kooban ka jeediyey, ayaa sheegay in la saaray masuuliyad culus, una baahan yahay in maamulka gobolka iyo xildhibaannada golahooduba kala shaqeeyaan gudashada xilka weyn ee loo xambaariyey, iyagoo codsaday in Ilaahay looga baryo inuu u fududeeyo, kuna asturo xilka loo dhiibay. Geesta kalena, Maayarkii hore ee Boorame Saleebaan Xasan Xaddi, oo fadhigaas ka maqnaa ayaa warbaahinta u sheegay inuu la shaqaynayo maayarka iyo ku xigeenka cusub ee la doortay, waxase uu ku dooday in hanaanka xilka looga qaaday ahayd mid sharci darro ah, inkasta oo aanu tafaasiil buuxda ka bixin waxa uu arrintaasi uga jeedo.
By: Yoonis M.Jaamac
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply