“Heshiiskii Xisbiyaddu Wuxuu Ahaa Mid La Wareegaya Awoodii Dastuuriga Ahayd Ee Guurtidda”

0
305

Hargeysa (Dawan)- Siyaasiga Cismaan Cabdillaahi Cigaal (Cismaan Hindi) ayaa sheegay in xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku timid codka shacabka Somaliland isla markaana aanu lagu bedali Karin dhawaaqyada xisbiyada mucaaridka ah ee sharciga baal-marsan.
 
Cismaan Hindi ayaa sidaas  ka sheegay mar uu shalay  u waramayay wargeyska DAWAN, isaga oo  sheegay in saddexda xisbi aanay awood u lahayn inay buriyaan muddo kordhintii Golaha Guurtidu u sameeyay xukuumadda  iyo Golaha Wakiiladda, waxaanu u soo jeediyay  xisbiyadda inay  sharciyadda u dabo fadhiistaan aqalka odayaasha.
 
Cismaan Hindi oo ka jawaabay hadallo  ka soo yeedhay xisbiyadda mucaaridka ee ay ku sheegayaan in aanay aqoonsanin xukuumadda marka la gaadho 26-ka bisha June, waxa uu yidhi “Madaxweyne la soo doortay, madaxweyne la soo doortay ayuun baa bedali kara, sabab maanta loo yidhaahdo 26-ka June dabadeed ma aqoonsanin xukuumadda maanta jirta, waa iska hadal, waayo xukuumadda jirtaa waxay ku timid codka ummadda, waxaanay ku dhacaysaa codka ummadda, sidaa daraadeed waxa laysku hayay muddo kordhinta. Laakiin kalmadan la yeehay ma aqoonsanin xukuumadda 26 bisha June ka dib  waxay tahay uun fandhicil ma xaraan baa mise waa xalaal.”
 
Mr. Cismaan Cabdillaahi Cigaal waxa kale oo uu intaa ku daray “Somaliland waxay ku dhisan tahay isu tanaasul, is afgarad iyo wax kasta oo soo waajaha in laga wada hadlo, khilaafaadka siyaasiga ah ee Somaliland maalin walba wuu iman karaa. Waana in xal loo helaa had iyo jeer Komishanka doorashooyinka qaranku waxay soo dhigeen muddo ay yidhaahdeen waan ku qaban karnaa doorashadda,  saddexda xisbi iyo xukuumadda ayaa ka heshiiyay  wakhtiga doorashada la qabanayo.”
 
Cismaan Hindi waxa uu xusay in Golaha Guurtida oo kaliyi ay muddo kordhin samayn karaan waxaana uu yidhi “Cida qudha ee wax kordhin kartaa waa Golaha Guurtida sharciyada in loo dabo fadhiisto ayaa horta muhiima, haddii aan loo baahnayn Golaha Guurtida innagaa iska kordhin karna muddo xileedka, markaa cidna shaki kama galayo in golaha guurtidu  ay leedahay awoodaa kordhinta ee dastuuriga ah, laakiin nasiib darradu waxa weeye in ay maroorsadaan saddexda xisbi qaran awoodii guurtida  oo ay yidhaahdaan annagaa kordhinay muddo xileedkii xukuumadda iyo golaha wakiiladda, taasaa nasiib darro ah waxaana isweydiin leh awoodaa meesha ay ka keeneen xisbiyadda qaranku.”
Khaddar M. Dhako
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply