Kubbada Cagta Oo Sababtay Dagaal Laba Dawladood

0
403

Dagaal aad xun ayaa dhex maray labada dal ee Elsalfador iyo Hunduraas oo kuwada ayaala Qaaradda Latin America.  Sababta dagaalka ayaa ka danbaysay markii kooxda dalka Hunduras ay ka badisay kooxda Elsalfador taasi oo dhacday  Bishii June 8, sanadkii 1969. Tartankaasi ayaa keenay in taageerayaasha uu dhex maro dagaal.
Arinka ayaa xoogaystay markii  laba tartan oo dheeraad ah oo lagu daray labadiiba ay badisay kooxda Elsalfador, taasi oo keentay in taageerayaashii Hunduras weeraraan kooxda dalkaasi. Elsalfador ayaa ka cadhootay qaabka ay u dhaqmeen  Hunduraas. Haddaba maalintii July 17, 1969 ayaa Elsalfador  ciidamadeedu weerar ku qaadeen dalka Hunduraas iyadoo ka cadhaysnayd  wixii ka dhashay tartankaasi. Dagaalka ayaa socday  7 maalmood oo xidhiidh intii laga gaadhayay heshiis xabad joojin ah oo dhacay  July 20, 1969.  Dadka ku dhintay dagaalka ayaa noqday 3000 qof oo labada dhinacba ah. Waxaan uu ahaa dagaal qariib ah oo ay sababtay Kubadda cagtu.

Leave a Reply