Booliska Togdheer Oo Xabsiga u Taxaabay Koox Lagu Qabtay Foox Aan Asal Ahayn

0
450

By : Khadar M. Xaashi
Burco (Dawan) Wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyga ee gobolka Togdheer iyo ciidamada booliska Somaliland ayaa si wada jir ah gacanta ugu soo dhigay beeyo oo aan asal ahayn, taas  oo ka samaysan qolof laga soo diiray dhirta Fooxa iyo Maydiga.
Masuuliyiinta wasaarad horumarinta iyo reer Miyiga iyo masuuliyiinta gobolka Togdheer ayaa meel fagaare ah ku gubay qoloftaasi laga soo jafay dhirta ee loo soo ekaysiiyay Fooxa, taas oo  loo iibin lahaa Foox ahaan, waxaana dadkii lagu soo qab-qabtay loo taxaabay xabsiga.
Cabdilaahi Xuseen Jaamac oo ah Isuduwaha wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga ee gobolka Togdheer oo ugu horeyn madashaas ka hadlaya ayaa yidhi “inaynu ku baabino ama ku gubno qolof laga soo jafay dhirta ay ka baxdo Fooxa iyo Maydiga iyo geed Quwaaxa, halkan ayaanu ku qabanay wixii fooxa loo ekaysiinaya , waxaananu ku qabanay wixii laga soo qishay ee laga dhigaayay Fooxa, intaas ka dibna maxakamadaa la geeyay dadkii sitay , maxakamaduna waxa ay xukuntay in la baabiiyo lana gubo wixii aan manaafacaad laheyn waxaanay keentay inay dhirtii imika soo kabato oo diirkeedi ku soo noqdo wixii hore ee la diirayayna ay joogsadaan .”
Isku duwaha wasaarada deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Cabdilaahi Xuseen Jaamac waxa kale oo uu faahfaahin ka bixiyay go’aamo ay arrintaasi ka soo saareen, waxaanu yidhi “ go’aamada aanu ka soo saarayna waxaa ugu mihiimsan in gaadhiga Foox ama Beeyo sida ee ka yimaada gobolka Sanaag amase ka yimaada Guban ee gobolka Togdheer imanaya in xarunta wasaarada ee gobolka Togdheer la keeno si halkaa loogu sii baadho wixii qashina ee ku jira ee laga helana laga rogo loona gubo sida kan aad hada arkeysaan loo gubay , dadka ka ganacsada Xabkaha iyo Faleenka waxaanu uga digaynaa ka gobol ahaan ka wasaarad ahan in dhirtaa la soo jafay ama asalkaa la soo diiray ee doonaya inay ganacsi ka dayaan inay dhulkooda u tudhaan, waxaananu leenahay gobolka Sanaag sida aanu culeyska u saarnay idinkuna culayska noola saara.”
Taliyaha gobolka Togdheer Gaashaanle Cabdi Muuse Cabdi oo isaguna madashaas ka hadlaya ayaa yidhi “waxay ciidanka bileyska ee gobolka Togdheer ku amran yihiin oo aanu kaantaroolada oo dhan aanu ku balaminay in wixii ay arkaan ee xagaa ka imanaya ay qabtaan. haday dhuxul sidaan iyo haday geedo kale sidaanba iyo kuwan iyo wixii kale ee ka daran ee nabaad guurinaaya dhirta, amar waxay ku qabaan inay qabtaan oo ay la soo xidhiidhan oo ay wasaarada la soo xidhiidhaan .”
Guddoomiye ku xigeenka gobolka Togdheer Maxamed Diiriye Xayd ayaa isaguna goobtaasi hadal ka jeediyay waxaanu yidhi “waxaa weeyaan hawshanu waa dhirtii ay ka soo go’ayeen Maydigeena,  Xabagteenna iyo geed Quwaaxeenna oo la soo diiray oo la baabiyay, maanta Burco waxaa ay u tahay hawshaa dadka lagu khaldaayay ee foojariga ah ee Fooxa laga dhigaayay ee wasaaradu qabatay aad iyo aad ayaanu u soo dhaweynaynaa ,ka gobol ahaana waxanu diyaar u nahay inaanu hawshaa qabano oo aanu gacan idinka siino wax weyna idinkala qabano.”
 

Leave a Reply