Mushahar La’aan Kala Dirtay Maleeshiyaadka Puntland iyo Taliye Ciidankiisii La Goostay

0
435

 “Garoowe waxaa dhibaatooyin kala duwan loo geystay xaasaskayagii.”Taliye Xigeenka Puntland
 By:Faysal Xiis Weerar(Afgaab)
Garoowe (Dawan):-Maamul goboleedka  Puntland ayaa waxaa soo  food-saartay  mushkilad dhaqaalle oo saamaysay ciidanka maamul goboleedkaasi, waxaana u dhammaanaysa sannad ku dhowaad  mushahar la’aan ah, waxaanay arrintaasi dhalisay inay meesha ka baxdo xil gudashadii habboonayd ee maleeshiyaadka Puntland.
Taliye xigeenkii ciidanka Booliska Puntland  Muxiyadiin Axmed Muuse iyo cidan uu watay ayaa ka goostay maamul goboleedka Puntland waxaanay xarun ka dhigteen Magaaladda Ayl ee xarunta u ahaan jirtay kooxaha budhcad badeedda. Waxaa kale oo wararku intaa ku darayaan in maamulka Garoowe amar ku bixiyay in ciidanka  uu la goostay Taliye Muxiyadiin in lala dagaaamo laakiin tallaabadaasina waxay noqotay mid war-warkeeda leh oo saamayn taban oo nabad-gelyo ku yeelanaysa maamulka Garoowe.
Taliyahan ka goostay maamulka Garoowe  ayaa warbaahinta u sheegay in si xun loola dhaqmay  xaasaskiisii iyo kuwa saraakiisha la socota ee ku sugnaa magaaladda Garoowe. “Ciidamada aan hoggaaminayo ee gadooday waa dhowr boqol oo askari, waxaana markii aan ka baxnay Garoowe dhibaatooyin kala duwan loo geystay xaasaskayagiii, arrinta aan u gadoodnayna muddo ayaa laga wada-hadlayay heshiisna waa laga gaadhi waayay,” ayuu yidhi taliye ku xigeenka booliiska Puntland.
“Sababta aan u gadoodnay waa Xuquuq la’aan, waayo ciidammadan wax mushahar ah may qaadan muddo dheer, ciidamada qaarkoodna xuquuqdooda way helaan, marka taas ayaa keentay inaan gadoodno,”ayuu yidhi Muxiyadiin oo hadlayay asbaabaha ku kalifay inay ka baxaan Garoowe.
 
Qaska  ka soo cusboonaaday ciidanka Maamulka Garoowe ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhaqaalle burbur maamulkaa ka dhex jira oo ay sabab u  tahay musuq maasuq baahsan oo deegaanadaa ka jira taasoo sababtay in ay u waayaan ciidanka gunadii ay siin  jireen ka dib markii maamulkaasi uu ku tagri  falay  dhaqaalihii yaraa ee ka soo gali jiray dekeda Boosaaso. Ciidanka gadooday ayaa sheegay in ay doonayaan xuquuqdii ay ku lahaayeen maamulkaas taasoo madaxda Garoowena ay kaga jawaabtay in ay abaabusho weerar ay ku  jahayso ciidanka musharkoodii ka doonaya. Geesta kalena waxa la soo weriyay in ciidammadii Puntland ay soo baneeyeen difaacii ay kaga jireen buuraha Gal-gala. Waxaanay arrintaasi keentay war-war dhinaca ammaanka ah oo soo food saaray dadweynaha reer Garoowe.

Leave a Reply