Hargaysa (Dawan): Madaxwayne Ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa shalay xafiiskiisa shahaado sharaf ku guddoonsiiyay Maayarka Magaalada Barbara Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin.
Shahaado sharaftaasi oo la sheegay in uu maayarka Berbera ku mutaystay in maamulka dawladda hoose ee magaaladda Berbera ay si fiican u fulisay mashruuca maamul daadejinta ee loo yaqaano JPLG gaar ahaana dhinaca horumarinta waxbarashadda.
Gudidda wasiirrad ah ee gacanta ku haya hawlaha mashaariicda maamul daadejinta magaalooyinka oo uu guddoomiye u yahay madaxweyne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), oo shalay shirkoodii 16-aad ku yeeshay xarunta madaxtooyadda ee magaaladda Hargaysa.
Waxaana shirkaasi ka soo qayb galay xubnaha gudidda maamusha mashruuca JPLG Wasiirro, Agaasimayaal guud iyo Maayarada degmooyinka lagu bilaabay tijaabada mashruuca maamul daadejinta.
Magaaladda Berbara oo ka mid ah degmooyinka lagu bilaabay tijaabadda mashruuca maamul daadejinta magaalooyinka iyo waxbarashada ayaa loo aqoonsaday inay noqotay degmada ugu keliya ee sida fiican u fulisay hawshii loo qorsheeyay.
Madaxwayne ku xigeenka ayaana halkaasi shahaado sharaf ku gudoonsiiyay maayarka Berbera uu Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin, shahaadadaasi oo lagu tilmaamay in ay tahay mid uu ku mutaysatay Maayarka degmada Berbera hirgelinta mashruucasi tijaabadda ah.
Cabdi Shakuur Maxamuud Cidin, oo isagu hogaaminaayey maayaradii lagu tijaabiyey maamul daadejinta, ka dib markii uu sidii la rabay uga soo baxay ugana dhex muuqday guud ahaan gobolada dalka.
C/raxmaan Saylici, oo kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa maayaradda kalena ku dhiiri geliyay in ay horumar sameeyaan, kuna daydaan maayarka Berbera si ay bulshadu u hesho adeeg hufan oo ku filan, dalkana u noqda bilic iyo waxqabad muuqda oo dhaxal gal ah.
Kulamadda gudidda hogaamisa mashruuca JPLG oo ah mid ay inta badan ku tartamaan maayaradda magaalooyinku ayaa bishan loo aqoonsaday maayarka Berbera in uu noqday masuulkii sida wanaagsan uga midho dhaliyay mashruucaasi.
By: Khadar Cabdi Muuse
Dawannews Hargeysa office