Guddoomiyaha UCID Oo Si Caadifadi Ku Jirto U Weeraray Mudaneyaasha Labada Gole kaga Jira Sool Iyo Sanaag Bari

0
330

Hargeysa (Dawan)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe ayaa si faqooq  ku jiro  u weeraray xildhibaanadda Golaha guurtida ee ka soo jeeda Gobolada Sool iyo Sanaag bari, waxaana uu tilmaamay inaanay dalka lahayn  isla markaana ku murmi Karin siyaasadda Somaliland.
Faysal Cali Waraabe oo shalay la hadlay qaar ka mida warbaahinta ayaa waxa uu si fool xun  oo caadifadi ka muuqatay u weeraray Golaha Guurtidda Iyo Xildhibaannadda ka soo jeeda Goboladda Bari ee ku jira labada aqal ee Baarlamaanka (Guurtidda iyo Wakiiladda).
 
“Guurtida wakhtigeedii ayaa dhammaaday waa Guurti qudhuntay oo aan hawshooda qabsan intaas oo dhibaato oo dalka ka taagan waxay ka qabteen ma jirto. waxa jira rag halkan iska fadhiya oo dhulkooda aanu maamulku gaadhin oo maalin  qudha dhulkooda tagin ninka aan dhulkiisa ka hawl-galin ee doonaya inuu iska fadhiyo ee dal aanu waxba ku darsan ka taliyo oo tuug   ay u arkaan reerkoodii,”ayuu ku tiraabay  Guddoomiyaha UCID.
 
Faysal Cali Waraabe waxa kale oo uu isxambaar ku sheegay xildhibaanada Guurtidda ee ka soo jeeda Gobolladda Barri , waxaana uu yidhi “Degmadiisii waxba ma geeyo , cashuur kama keeno,  deegaankiisii cod kama keeno,  waxa uu ku fadhiyaa is xambaar kaasaa doonaya inuu ka taliyo dalka oo aan halkan (Hargeysa)  kula muranno horta waxaas ayaa Golaha Guurtida ka buuxa.”
 
Guddoomiyaha UCID waxa kale oo uu xaqiray   dawladnimadda Somaliland  oo uu ku sifeeyay meel aan sharci ka jirin, waxaanu yidhi “Halkan (Somaliland) nidaam dawladnimo kama muuqdo dawladnimaduna maaha Dhismeyaal ayaan dhisnay iyo dalka  meelna cadaaladi kama muuqato.”
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply