Waxyaalaha U Baahan In La Ogaado Inta Aan Sharkadu Soo Saarin Badeecad

0
452

Waa maxay baahida dhabta ah ee hadda ka jirta suuqa aad higsanayso (current demand in the target market)? Waa in aad ogaataa in baahi ka jirto suuqa aad galayso, waayo macaamiishu waxa ay marka hore ku xidhnaayeen shirkaddo kale, markaa waa maxay sababta ay ugu baahan yihiin in ay shirkaddan cusub kusoo biiraan, dhinacyo badan ka fiiri baahida.
Waa maxay xajmiga saxda ah ee suuqa aad rabto in ay shirkaddan cusubi ka shaqayso (size of market)? Badanaa suuqyada dhaqaalaha badan laga helaa waa suuqyada dadkoodu ay aadka u badan yihiin (more populated). Markaa waa in aad ogaataa xajmiga suuqaagu inta uu noqon karo.
Boqolkiiba meeqa ayaad suuqa ku yeelan kartaa (tani waa muhiim haddii aad si dhab ah uga fakirayso in aad noqoto mid ku guulaytsa suuqa)?
Muxuu yahay isbedelka ku imaan kara suuqa aad ku fakirayso, intee in leeg ayuu suuqu isbedeli karaa isla markaa horumar intee leeg ayaad badeecada ama adeega  ku samayn kartaa?
Muxuu yahay koboca imaan karaa (potential growth)?
Maxay yihiin xanibaadaha kaa hor imaan kara markaad suuqa galayso (market entry barriers), maadaama aad shirkadd cusub tahay?. Tusaale ahaan waxyaalaha kaa hor imaan kara waxaa ka mid ah:
Kharashka daraasaadka suuq-gaynta oo bata (high marketing cost)
Kharash badan oo loo baahdo (high capital cost)
Kharashka tacab soo saarka oo aad u bata (high production cost)
Macaamiisha oo u baahan in ay ku bartaan (consumer acceptance and brand recognition)
Shirkadoo u baahata dad tababar iyo xir fad leh (training and skills)
Kharashka lagu raraayo oo sareeya (shipping costs)
Cashuuraadka (tariff)
Sharciyada dawladda (legal authority)
Iyo dabcan sidii aad uga gudbi lahayd xanibaadaha kaa hor yimaada
Side ayay waxyaalahan soo socdaa u saamayn karaan shirkadda cusub helida jawaabahoodu waxa ay kaa caawinaysaa in aad dhinac walba ka eegto ganacsigan cusub ee aad furaysaa si aad u ogaato waxyaalaha kugu soo fool leh:
Haddii isbedel ku yimaado ganacsiga (change in the business).
Haddii is bedel ku yimaado qalabka farsamada (change in technology)
Haddii is bedel ku yimado sharciyada dawlada (change in government regulations)
Hadii isbedel ku yimaado xaga dhaqaalaha (change in the economy).

Leave a Reply