Dollerka Maraykanka Oo Lagu Sawirayo Gabadh

0
380

Wasaaradda Maaliyadda Maraykanka ayaa sheegtay in la soo daabici doono lacag noodh ah oo cusub nooca tobanka doller taasi oo ay gabadhi ku sawiran tahay. Arintan ayaa ah mid cusub iyadoo 100 sano dollerka uu si siyaasi ah ugu sawiraa raga oo keliya.  Wasiirku maaliyadda ee dalkaasi ma  sheegin gabadha sawirkeeda lagu daabici doono lacagta oo soo bixi doonta sanadk 2020. Laakiin wararka ayaa sheegaya in sawirka gabadha lagu bedeli doono sawirka Alexndar Hamilton wasiirkii maaliyadda ee ugu horeeyay ee Maraykanka. Waxana loo badinaya inay gabadhaasi noqoto Gabadhii Marth Washington oo uu qabay madaxweyinihii asaasay uguna horeeyay Maraykanka Gorge Washington.
 

Leave a Reply