Laba Danjire Oo Cusub Oo Loo Magacaabay Imaaraadka Carabta Iyo Shiinaha

0
356

Hargeysa(Dawan)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa magacaabay laba danjire oo Somaliland u kala fadhiyi doonaa dalalka Imaaraadka carabta iyo Shiinaha.
Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray afhayeenka Madaxtooyadda Somaliland Md. Axmed Saleebaan Dhuxul,kaasi oo u qornaa sidan:-
 
“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay  JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
 
Madaxweynuhu:-Markuu Arkay:Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;
 
Markuu Tixgeliyey:Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka;
 
Markuu Arkay:In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
 
Markuu Ka Fiirsaday:Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay:In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China
In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.
By: Cumar M.Faarax
Dawannews Hargeysa office

Leave a Reply